Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel oo ka digay cunaqabateynta hubka ee la saarayo Israel

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa ka digay in si fudud loo burburin doono Israel, haddii ay dalalka reer galbeedka ku soo rogaan cunaqabateyn dhanka hubka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegay in cunaqabateyntan ay keeni doonto burburka Dowladda Yahuudda iyo mid la mid ah xasuuqii Holocaust ee Hoggaamiyihii hore ee Jarmalka, Adolf Hitler uu u gaystay Yahuudda.

Wasiirka ayaa tilmaamay in cunaqabateynta laga shaqeynayo, iyadoo Ururka Xamaas ee Falastiin iyo Dowladda Iran ay ku foogan yihiin sida uu yiri burburinta Israel.

Wasiirka ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo dowladaha riixaya cunaqabateyntan ay tahay inay ka laabtaan, haddii kalena natiijada ka dhalan doonto ay noqon doonto inay Israel burburto.

"Haddii dhaqdhaqaaqyadan ay guuleystaan, markaas si fudud ayaa Israel loo burburin doonnaa." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel.

Wasiirka ayaa yiri "Holocaust ayaa ka dhici doono dhulka Israel. Cunaqabateynta hubka waa dariiqa lagu diidayo Qaranimada Yahuudda."

Wasiirka ma sheegin dalalka ay siyaasiyiintooda doonayaan in hubka laga joojiyo Israel, haddana wuxuu sheegay in shirarka ka socdo dibadda ay dhibaato ku yihiin jiritaanka Dowladnimada Israel.

Qaar badan oo ka mid ah xulafada caalamiga ah ee Israel ayaa la aaminsan yahay in ay ka carreysan yihiin diidmada uu Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ka muujiyay baaqa hoggaamiyeyaasha qaar ee la xiriira in la joojiyo dagaalka Gaza iyo in la qaado xanibaadda gargaarka bani'aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ayaa markii ugu horreysay si cad uga horyimid xasuuqa bahalnimada ah ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Maalin ka dib, markii hoggaamiyeyaasha Faransiiska, Ingiriiska iyo Canada ay ku baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza ayuu Netanyahu si adag u sheegay inaanan la joojin doonin dagaalkan.

Tani ayaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan horey loo arag, kana dhan ah Israel ka kicisay gudaha Yurub, waxayna hoggaamiyeyaashu bilaabeen inay cambaareeyaan xasuuqa Gaza, gaajeysiinta shacabka aan is difaaci karin iyo deegaameynta sharci darrada ah ay Israel ka waddo Daanta Galbeed ee la haysto.

Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa Netanyahu ka dalbanaya in si degdeg ah xabad joojin looga sameeyo Marinka Gaza, in la qaado is hortaaga gargaarka iyo in Tel Aviv ay soo afjarto deegaameynta ay Israeliyiinta uga sameynayso Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, haddii kalena ay qaadi doonaan tallaabooyin ay khasab kaga dhigayaan in la joojiyo dembiyada ay ku lugta leeyihiin, tiiyoo aad mooddo in Netanyahu uu ka gows-adeygayo.

Inta badan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa dib u eegis ku sameynaya xiriirkii iyo iskaashigii ay la lahaayeen Israel, iyadoona la filayo in ay qaadi doonaan tallaabooyin macno u leh in la joojiyo dagaalka.

Dowladaha qaybtood ayaa u ololeynaya inaanan wax hub ah laga iibinin Israel, iskaba daa taageeradii militari ee ay tobanaanka sano siinayeen.

Dowladahan ayaa la sheegaya in intaan ka dib aysan wax cudurdaar ah u yeeli karin dilka joogtada ah ee ka dhanka ah dadka rayidka, barakacinta soo noqnoqotay iyo in qoysaska barakacayaasha ee reer Gaza looga daba tagayo, laguna leynayo dhulkii ay Israel u sheegtay in ay badbaadada u doontaan.

Fallanqeeyeyaasha ayaa qaba in tallaabooyinka laga filayo dowladahan iyo naceybka bulshada caalamka ee sii kordhaya ay calaamad u yihiin in Israel ay wajaheyso xaalad aan wanaagsaneyn.

Taageeradii reer galbeedka ee Israel ayaa si weyn hoos ugu dhacday, tan iyo wixii ka dambeeyay, marka ay Israel bilowday inay si ba'an u gaajeysiiso dadka rayidka ah.