Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo booqasho lama filaan ah ku tegay xadka Masar iyo Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa Axaddii booqasho aan la sii shaacin ku tegay Isgoyska Rafah, oo ku yaala xadka Masar iyo Marinka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo booqasho laba maalmood ah ku jooga Masar ayaa kormeeray magaalada ku dhow xadka Masar la wadaagto Marinka Gaza ee Arish (Al-Arish), halkaas oo ay ku xaniban yihiin kolonyo fara-badan oo gargaar sida, lamana oga goorta ay Israel u fasixi doonto inay galaan Marinka Gaza.

Wasiirka ayaa uga sii gudbay dhinaca Isgoyska Rafah, isaga oo walaac ka muujiyay dembiyada sii kordhaya ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Wasiirka ayaa Israel ku eedeeyay in ay gaysaneyso nooc kasta oo dembi ah, waxaana uu yiri "Sahayda bani'aadantinimo inay qurunto waa dembi ka dhan ah bani'aaadantinimada."

Wasiirka ayaa yiri “Xiritaanka Israel ee albaabka soohdinta, beegsiga kolonyada gargaarka, dilka shaqaalaha bani'aadantinimada, in dhaawacyada iyo bukaanada loo diido caafimaad dibadda ah, gaajeysiinta dadka rayidka ah iyo in la dilo waa dembiyo ka dhan ah bani'aadantinimada, waana marxaladdii ugu horreysay oo nooc xasuuq ah."

Wasiir Hakan Fidan ayaa caalamka ugu yeeray in wax laga qabto xanibaadda Israel ee xadka, si gargaarka naf badbaadinta ah loo gaarsiiyo dadka aadka ugu baahan.

Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu uu yahay dalka ugu badan ee gargaarka u soo daabulay xuduudda Masar iyo Gaza, haddana ay kaalmada bani'aadantinomo ku qurmeyso xadka, iyadoo dadka reer Gaza ay baahi weyn u qabaan.

Hakan Fidan ayaa sheegaya inaanu macnihiisu ahayn inuu ka hadlo gargaarka ay Ankara soo dirtay, balse uu doonayo in indhaha caalamka uu ku soo jeediyo ciqaab wadareedka ay Israel ku hayso shacabka Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israel oo horaantii bishii May la wareegay bariga deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza ayaa Gaza ka soo xiray dhinaca Masar. Ciidamadan ayaa xilligaasi xanibay marinadii ugu muhiimsanaa ee gargaarka la gaynayo Marinka Gaza, sida Isgoysyada Rafah iyo Kerem Shalom.

Hawlgalka ay Ciidamada Israel ka bilaabeen bariga Rafah ayaa horseeday inuu istaago gargaarkii ka soo gudbayay Isgoyska Rafah ee ka imanayay dhanka Masar.

Muddada Ciidamada Israel ay hawlgalka dhinaca dhulka ah ka wadaan Rafah ayaa waxaan jirin wax gargaar ah oo ka soo gudbay dhanka Masar oo la geeyay Marinka Gaza.

Israel ayaa dhegaha ka fureysatay baaqyadii caalamiga ahaa ee looga dalbanayay inaysan dagaalka ku ballaarin Rafah, oo loo tixgelinayay aag bani’aadantinimo, oo ay gabaadsanayeen 1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah. Israel ayaa goobtii bani'aadantinimo ee Rafah u bedeshay furin dagaal, ka dib markii ay si khasab ah ku barakacisay dadkii halkaasi badbaadada u soo doontay.

Dowladda Masar ayaa daba-yaaqadii bishii May ku dhawaaqday in ay joojineyso wada shaqeyntii ay Israel ka lahaayeen howlaha gargaarka bani’aadantinimo, illaa iyo inta Tel Aviv ay wareejineyso maamulka amniga xuduudda ee dhinaca Marinka Gaza.

Horaan, Warbaahinta Masar ayaa ku warantay in ay Qaahira diidan tahay inay Israel kala shaqeyso dadaalada gurmadka bani’aadantinimo lagu gaarsiinayo dadka reer Gaza, sababtoo ah Israel oo aysan daacad ka ahayn in kolonyada gargaarka ay si caadi ah uga gudbaan furinta ay ka furtay Rafah, isla-markaana ay khatar ku tahay nolosha shaqaalaha gargaarka.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa Israel ku dhalleeceeyay inay xitaa diidan tahay in shaqaalaha gurmadka bani'aadantinimo, oo ay ku jiraan kuwa caafimaadka inay ka soo gudbaan bariga Rafah, gudahana ay u soo galaan Marinka Gaza.