Wasiirka Gaashaandhiga oo isna booqday Xarunta Taliska Qaybta 21aad ee Dhuusamareeb

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa gaaray Xarunta Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Magaalada Dhuusamaareeb, si uu ugu biiro booqashada uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud uu maanta ku tegay xaruntaasi.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa waxaa xarunta ku soo dhaweeyay Taliyaha Militariga, Taliyaha Qaybta 21aad, Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne) iyo Saraakiil kale.

Wasaaradda Gaaashaandhiga ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in Taliyaha Qaybta 21aad uu masuuliyiinta warbixin ka siiyay xaaladda guud ee taliska, howlaha ciidanka iyo shaqooyinka ay u hayaan qaranka.

"Wasiirka Gaashaandhiga ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada Qaybta 21aad kula dardaarmay inay sii xoojiyaan gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday, ilaalinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed iyo inay si dhow uga shaqeeyaan xoojinta amniga iyo xasilloonida dalka." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegtay "Wasiirka ayaa sidoo kale ku booriyay ciidamada inay ilaaliyaan anshaxa, midnimada iyo wadajirka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana ay mar walba u diyaargaroobaan gudashada waajibaadka qaran."

Marka laga soo tago warka wasaaradda, wararka la helayo ayaa sheegaya in masuuliyiinta ay Saraakiisha Qaybta 21aad ka dhageysteen warbixin ku saabsan qaban-qaabada munaasabadda lagu wado inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tababarka ugu soo xiro ciidamada tababarka ku dhameystay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xananbuure.

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka mid ah masuuliyiinta Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehlinaya booqashada Jimcihii uga bilaabatay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.