Weerar gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Magaalada Tel Aviv

Dalxiise Talyaani ah ayaa la sheegay in la dilay, toddobo kalena la dhaawacay, ka dib markii weerar gaari jiirsiin ah uu ka dhacay meel ku dhow beerta loo dalxiiska taggo (Charles Clore) ee ku dhow Xeebta Magaalada Tal Aviv.

Saraakiisha Booliska Israel ayaa sheegay in baabuur cad uu waddada ka baxay, wadihiina uu beegsaday dad ku lugeynayay waddada, ka hor intii aanu rogman gaarigaasi.

Booliska ayaa sheegay in ciidamadu ay toogasho ku dileen ninkii gaarigaasi waday.

Ma cadda cidda gaysatay weerarkan, balse war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa lagu sheegay in weerarku uu ahaa mid argagixiso. Israeliyiinta ayaa ereygan u adeegsada weerarada ay gaystaan ​​Falastiiniyiinta.

Wararka ayaa sheegaya in ninka gaariga kaxeynayay uu ahaa Carab Israeli ah, oo ka yimid Kfar Qassem, oo u dhow xuduudda Daanta Galbeed. Ma jirin wax dembi ah oo horey looga diiwaangeliyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Antonio Tajani ayaa sheegay in Maamulka Israel uu ku soo wargeliyay geerida Alessandro Parini oo 30 jir ahaa.

Shan ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa u kala dhashay dalalka Talyaaniga iyo Ingiriiska. 

Jimcihii shalay, laba hablood oo u dhashay Israel, isla-markaana haystay dhalashada Britain ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday Daanta Galbeed ee Israel xoogga ku haysto. Hablahan ayaa ahaa kuwo wada dhashay, iyadoona toogashadaasi lagu dhaawacay hooyadood.

Ciidanka Cirka Israel ayaa habeen hore duqaymo ka gaystay Marinka Gaza iyo dalka Lubnaan. Israel waxay sheegtay in weerarkaasi kaga jawaabeysay weerar gantaalo ah oo lagu soo qaaday.

Xiisadda Israel iyo Falastiiniyiinta ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii Ciidamada Israel ay habeeno ka hor gudaha u galeen Masjidka Al Aqsa.

Israel ayaa goor dambe oo Jimcihii u yeertay ciidamadeeda kaydka, gaar ahaan kuwa militariga.