Weerar ka dhacay Magaalada Tel Aviv

Ugu yaraan toddobo qof ayaa inta la ogyahay ku dhaawacantay weerar loo adeegsaday gaari jiirsiin iyo tooriyeen oo maanta ka dhacay Magaalada Tel Aviv, xilli Militariga Israel ay maalintii labaad hawlgal ballaaran ka wadaan Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Nin Falastiini ah ayaa la sheegay in uu gaari jiirsiiyay dad ku lugeynayay waddada, ka dibna uu bilaabay in uu toorey la dhaco dadkaasi.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in nin goobta ku sugnaa uu markii dambe toogasho ku dilay ninkii weerarka gaystay.

Booliska Israel ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay weerarka ka dhacay Waqooyiga Tel Aviv, oo sida ay sheegeen lagu dhibaateeyay dad rayid ah oo waddada dhinaceeda socday.

Afhayeen u hadlay Booliska Israel ayaa sheegay in saddex ka mida ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato, isagoona weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso.

Ninka weerarka gaystay ayaa la sheegay inuu ahaa Falastiini ka soo jeeda Daanta Galbeed ee Israel xoogga ku haysato.

Ururka Xamaas ee Gaza maamula ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay uu ka mid yahay dagaal-yahanadooda, isla-markaana uu weerarku ahaa mid lagaga jawaabayay hawlgalka ballaaran ee Israel ka waddo Jenin.

Afhayeenka Ururka Xamaas, Hazem Qasem ayaa weerarka ku qeexay jawaabtii ugu horreysay ee ay ka bixiyaan gabood-falada baahsan ay Israel ku dhibaateynayso dadka reer Jenin.

"Iska caabintu waxay xaqiijisay in qabsashada ay bixin doonto qiimaha dembiyada ay ka gaysanayaan xerada qaxootiga ee Jenin." Ayuu yiri Afhayeenku.

Dhanka kale Hay'adaha Gargaarka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin hawlgalka militari ee ka sii socdo Jenin.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in koox dhakhaatiir ah laga hor istaagay inay galaan dhismayaasha xerada qaxootiga ee Jenin, si ay daryeel caafimaad ugu fidiyaan dadka ku dhaawacmay weerarka Israel.

Militariga Israel ayaa xiray dhammaanba waddooyinka soo gala xeradaasi, iyadoona aanay jirin cid ka bixi karta amaba ka gudbi karta goobaha ay ku sugan yihiin Militariga Israel.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in la xiray 120 nin oo lala xiriirinayo kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa hawlgalka ku sheegay mid ka dhan ah waxa uu ugu yeeray argagixisada, waxaana uu ku goodiyay in hawlgalku uu sii socon doono, illaa iyo inta loo baahan yahay.

Inta la ogyahay 10 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay hawlgalka socda, halka tobanaan kalena lagu dhaawacay.

Xafiiska Bani'aadanimada ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in saddex carruur ah ay ka mid yihiin dadka ay dileen Ciidamada Israel.