Weerar lagu laayay askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Dhowr iyo labaatan askari oo ay ku jiraan Taliyeyaal ka tirsan Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Khamiistan lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka waqooyi ee Magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay weerareen bar kontorool oo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin meel u dhow halka lagu magacaabo Ceeldoonka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku baxeen ciidamadii rasaasta ku soo furay, balse ay ku dhaceen dabin ay u dhigeen maleeshiyada Al Shabaab.

Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay miinooyin la eegteen gaadiid ay la socdeen Ciidamada Militariga, ka hor inta aanay la beegsan gantaalaha garbaha laga tuuro iyo rasaas fara-badan.

Saraakiil ka tirsan Militariga Somaliya ayaa Universaltv u sheegay in ciidamo gurmad ah ay markii dambe soo qaadeen meydadka saraakiishii iyo askartii lagu dilay dagaalka.

Taliyihii Guutada 9aad, G/dhexe Yoonis Aadan Xasan iyo Taliyihii Guutada 8aad ee Qaybta 60aad, Gaashaanle Cali Maxamed Aadan (Cali Caddow) ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalka.

Saraakiishan ayaa gacan weyn ka gaystay hawlgalkii ay Ciidanka Xoogga Dalka 30-kii bishii March kula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo masuuliyiinta ku sugan Baydhabo ayaa kuu sheegaya in ciidamadii magaalada laga saaray ee Madaxweyne Laftagareen ay hadda xiriir iskaashi la sameysteen Shabaabka ku sugan deegaanada qaar ee hoostaga Baydhabo.

Ciidamada taageersan Laftagareen oo u badan Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa toddobaadkii hore bilaabay in ay weeraraan kontoroolada ku yaala bannaanada magaalada, iyagoo kaga soo horjeeda doorashada la sii qorsheeyay ee Axaddii laga qabtay 13 magaalo oo Koonfur Galbeed ah oo Baydhabo ay ku jirto.

Weerarka maanta ka dhacay duleedka Baydhabo ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee lagu bartilmaameedsado Ciidamada Dowladda Federaalka, tan iyo is bedelkii siyaasadeed ee bil iyo bar ka hor ka dhacay magaaladaasi.