Weerarada Mareykanka iyo Iran oo sii socdo

Ciidamada Mareykanka oo taageerayo ka helaya kuwa Israel ayaa maalintii saddexaad duqaymo ka gaysanaya dalkaasi Iran, iyadoo dhinaca kalena ay Iran sii waddo weerarada ay kaga jawaabeyso duulaanka hawada ee dalkeeda lagu hayo.
Militariga Mareykanka ayaa sheegay in uu socdo hawlgal ballaaran, oo lagu burburinayo gantaalada ballaastikada ee ay Iran ku hubeysan tahay.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa qoraal ku sheegay in isticmaalka hagar la'aanta Iran iyo badinta gantaalada ballaastikadeeda ay khatar dhab ahaayeen muddo tobanaan sano ah.
"Hadda, jihada Madaxweynaha, Ciidamada Mareykanku waxay meesha ka saarayaan khatartaasi." Ayuu talisku ku sheegay qoraalka.
Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa Axaddii bilaabay in ay adeegsadaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee B-2, si ay uga qayb qaataan hawlgalada lagu burburinayo buuraha dhulka hoostooda ee ay ku kaydsan yihiin gantaalada riddada dheer ay Iran haysato.
Diyaaradahan ayaa ah kuwa ugu casrisan ee Mareykanka uu leeyahay, waxaana loo adeegsadaa hawlgalada aysan fulin karin diyaaradaha kale ee Mareykanka.
Diyaaradahan oo ah farsamadii ugu dambeysay ee wax soosaarka militari ee Mareykanka ayaa tuura bambaanooyinka waaweyn ee ka mamnuuca ah dhulka cufan ee ay dadku ku badan yihiin.
Militariga Mareykanka iyo Israel ayaa Sabtidii bilaabay in ay garaacaan dhulka Iran, laakiin falcelinta ka dhalatay ee ay Iran sameysay ayaa noqotay mid lala yaabo, taas ayaana loo maleynaya inay keentay in la hawlgeliyo diyaaradaha B-2.
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa sameynaya wax kasta oo lagu taageeri karo nidaamka Israel, si meesha looga saaro khatarta amni ee loo arko inay Iran ku tahay Israel.
Iran ayaa dhankeeda sii waddo duqaymaha ay ku garaaceyso gudaha Israel iyo danaha Mareykanka ee dalalka Khaliijka, iyadoo Ciidamada Iran ay hadaf ka dhiganayaan Saldhigyada Militariga Mareykanka iyo hantida Washington ee gobolka.
Gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ayaa garaacaya bartilmaameedyadooda qaar, tani oo khubarada ay ku sheegeen mid muujineysa in difaaca cirka ee Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka uu aad u jilicsan yahay, dagaalka ka dibna ay ku khasbanaan doonaan inay dib-u-eegis iyo dib-u-habaynba ku sameeyaan.
Illaa iyo hadda meelaha ay Ciidamada Iran, sida daran u garaaceen ayaa waxaa ka mid ah Israel, Emirate-ka Carabta iyo Bahrain, inkastoo duqaymaha Iran ay weli si firfircoon u ruxayaan dalal ay ka mid yihiin Kuwait iyo Qatar.
Dagaalka ayaa Isniintan ku fiday Lubnaan, ka dib markii Xoogaga Ururka Xisbullah ay ku soo biireen dagaal goboleedkan, iyagoo taageeraya Ciidamada Iran. Xoogaga Xisbullah ayaa gantaalo ku weeraray Waqooyiga Israel, taasoo keentay in Tel Aviv ay dhankeeda si xoogan u beegsato Beirut.
Waxaa jira koror dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo dagaalka uu gaysanayo, walow aan si dhab ah loo sheegi karin inta uu le'eg yahay khasaaraha dhabta ah. Inta badan dalalka uu sida tooska ah uu dagaalka u saameynayo ayaa waxaa laga soo sheegay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo baahsan.
Dagaalkan ayaa dad badani ku riixaya in ay quus ka muujiyaan inaanay dhaweyn goortii amni iyo xasillooni lagu soo dabaali lahaa Bariga Dhexe, oo 80-kii sano ee u dambeeyay ka gudbi la' rabshado joogto ah.


