Weeraro kala duwan oo dad ku dhinteen oo ka dhacay Marinka Gaza

Waxaa isa soo taraya khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqaymo ay diyaaradaha dagaalka Israel ka gaysteen goobo kala duwna oo ku yaala Marinka Gaza.

Ugu yaraan lix qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay duqayn ay xalay Ciidanka Cirka Israel ka gaysteen dugsi ay gabaadsanayeen dadka barakacayaasha oo ku yaala deegaanka Daraj.

Duqaynta Dugsiga Abdel-Fanah Hammoud ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale ku warameysa in Ciidamada Israel ay lsla xalay duqayn ay ku dhinteen 10 qof ka gaysteen Dugsiga Asmaa ee ku yaala xerada xeebta iyo guri ay leeyihiin qoyska Al-Zamili oo ku yaala deegaanka Shujayea.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegeysa in tiro kale oo dad rayid ahna ay ku dhaawacmeen duqaymahaasi, lagana cabsi qabo in khasaaraha nafeed uu intaasi ka bato.

Waxaa ka sii horreysay duqayn kale oo diyaaradaha Israel ay ka gaysteen xerada qaxootiga Maghazi, iyadoona ay ku dhinteen in ka badan afar qof.

Wakaaladda Wararka WAFA ayaa sheegtay in dadka ku dhintay weerarkaasi ay ku jiraan saddex carruur ah.

Ciidamada Israel ayaa si joogto ah weeraro uga gaysta goobaha ay ku badan yihiin dadka shacabka ah ee loo asteeyay aagagga bani'aadantinimo.

Dadka ugu badan ee weeraradooda ku waxyeelooba ayaa ah dumar iyo carruur yaryar.

Israel ayaa lagu cambaareeyay in qaabka ay u waddo dagaalkeeda uu baalmarsan yahay shuruucda caalamiga ah.