Weeraro lagu laayay dadka barakacayaasha oo ka dhacay Marinka Gaza
Ciidanka Cirka Israel ayaa mar kale Marinka Gaza ka gaystay weeraro ay si naxariis darro ah ugu laayeen dad fara-badan oo ka mid ah qoysaska ku barakacay dagaalka ka soconaya dhulka go'doonsan.
Ciidanka Cirka Israel ayaa maanta beegsaday xerada qaxootiga Shati iyo xaafadda Tuffah ee dhulka xeebta ee Gaza, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 42 oo u badan dumar iyo carruur, halka tobanaan kalena ay ku dhaawaceen.
Xerada Shati ayaa waxaa hadda gabaadsanayay dadkii horey looga soo barakaciyay waqooyiga Marinka Gaza, halkaas oo Militariga Israel uu ugu sheegay aag nabdoon, ayna tahay in dadku ay gabaadsadaan.
Dhaawacyo fara-badan ayaa la geeyay Isbitaalada Al-Ahli Arab iyo Al-Aqsa, si wax looga qabto xaaladdooda.
Weeraradan ayaa daba socdo mid kale oo shalay galab ay Ciidamada Israel ka gaysteen deegaanka Al-Mawasi ee koonfurta Marinka Gaza, kuna dhow deegaanka Rafah.
Al-Mawasi ayaa ah halka ay Israel dadkii ay ka barakacisay bariga Rafah ugu sheegtay goob bani'aadantinimo, isla-markaana ay dadku taggaan.
Tani ayaa ka dambeysay, ka dib iska caabin aan caadi ahayn oo Ciidamada Israel ay tan Khamiistii kala kulmayaan kooxaha wax iska caabinta ee hortaagan in Ciidamada Israel ay ka gudbaan galbeedka Rafah.
Ciidamada Israel ayaa caado ka dhigtay in ay weeraraan goobaha ay dadka rayidka ah ku badan yihiin, mar kasta oo ay ku adkaato in ay ka gudbaan aagagga lagu dagaalamayo.
In ka badan 37,551 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Marinka Gaza, tan iyo markii uu dagaalku bilowday, ku dhawaad 86,000 kalena ay ku dhaawacmeen.
Kororka dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee dadka rayidka ah ayaa loo aaneynayaa, iyadoo aysan jirin cid si dhab ah Israel ugu la xisaabtameyso dembiyada ay ka gaysaneyso Marinka Gaza.