Xaalad aad u daran oo weli ka jirta waqooyiga Marinka Gaza
Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa dib u bilaabaya adeegyadii uu bixinayay, ka dib markii Ciidamada Israel ay burbur u gaysteen.
Ciidamada Israel ayaa Jimcihii xoog ku galay isbitaalkan oo ku yaala deegaanka Beit Lahiya, ka dib maalmo ay go'doomin ku hayeen. Ciidamada ayaa isbitaalka ka qabqabtay dad fara-badan, oo isugu jira bukaankii lagu daweynayay, eheladooda iyo qaar ka mid ah shaqaalihii ka hawlgalayay, iyagoo sidoo kale halkaasi ku dilay tiro ka mid ah bukaankii jiifay. Bukaankii kale ee lagu daweynayay iyo qoysaskii barakacayaasha ee gabaadka ka dhiganayay ayayna amar ku bixiyeen in halkaasi laga daadgureeyo.
Ciidamada Israel ayaa markii dambe isaga baxay isbitaalkaasi, iyagoo burbur u gaystay qaybihii isbitaalka oo dhan. Sidoo kale burbur weyn ayay u gaysteen waddooyinka soo gala iyo dhismayaasha ku xeeran. Taangiyada Militariga Israel ayaan ka fogeyn agagaarka isbitaalkaasi.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa la sheegaya in isbitaalka ay keenayaan dhaawacyada ay u suurtagasho inay soo qaadaan.
Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan, Dr. Hussam Abu Safiya ayaa sheegay in baahi weyn oo caafimaad ay ka jirto waqooyiga Marinka Gaza, ka dib hawlgalka ay Ciidamada Israel horaantii bishan ka bilaabeen halkaasi. Militariga Israel ayaa dhulkaasi ka go'doomiyay Gaza inteeda kale.
Agaasimaha ayaa sheegay in ay shaqaale la'aan ka jirto isbitaalkaasi, isla-markaana ay soo food saartay dawo yari ba'an iyo qalab la'aan, waxaana uu ku baaqay in shaqaale caafimaad loo soo diro isbitaalkaasi, dawooyinkana la keeno.
Agaasimaha ayaa xaaladda ku tilmaamay mid aad u adag, marka loo eego burburka soo gaaray isbitaalka, dhaawacyada badan ee ay la tacaalayaan, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha kale ee ku yar. Shaqada isbitaalka ayuu sheegay inaanan looga maarmi karin xaaladda adag ee bani'aadantinimo ee halkaasi ka jirta.
Abu Safiya ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay xaalad madow geliyeen dadka ku nool waqooyiga Marinka Gaza.
Ciidamada Israel ayaa toddobaadkii afaraad wax u muuqdo hawlgal sifeyn ah ka wada xaafadaha ku yaala waqooyiga Marinka Gaza, iyadoona aan muddadaasi wax gargaar ah la gaarsiinin qaybo badan oo ka mid ah dhulkaasi, sida xerada qaxootiga Jabalia oo dadka intiisa badan ay ku nool yihiin.
Ciidamada Israel ayaa dadka ku amraya inay banneeyaan xeradaasi iyo deegaanada kale ee waqooyiga Marinka Gaza, waana xilli ay dadka rayidka ah ku beegsanayaan waddooyinka. Ciidamada ayaa dilay dad fara-badan, iyagoo kuwo kalena dhaawacay, halka ay boqolaal kalena xirxireen.
Shaqaalaha samatabixinta ayaa la soo sheegaya inay weli ku adag tahay inay gaaraan meelaha qaarkood, si ay uga soo qaadaan meydad badan oo sida la sheegay daadsan waddooyinka iyo dhaawacyada lagu hayo meelaha sida weyn loo go'doomiyay.
Muddada uu socdo hawlgalkan, Ciidamada Israel ayaa dilay in ka badan kun qof oo dad rayid ah, iyadoo tiro intaasi ka badana ay dhaawaceen, isla-markaana ay burburinayaan dhismayaasha la degan yahay iyo kaabeyaasha kale ee dadweynaha.
Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay inay si toos ah duqaymo ugu gaysanayaan dadka rayidka ah, taas oo sida uu sheegay halis ku ah nolosha dadka rayidka ah.
Waxa uu xoojiyay digniinaha ka soo yeeraya hay'adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza ee ka digaya in macluul ay ka dilaacdo waqooyiga Marinka Gaza, haddii aysan Israel dib u furin marinada bani'aadantinimo.
Ciidamada Israel ee halkaasi ku sugan ayaa xiray dhammaanba waddooyinkii dadka loo soo marsiin lahaa gargaarka bani'aadantinimo. Shaqaalaha gaadiidka xamuulka ee u raran hay'adaha gargaarka ayaan halkaasi u socdaali karin, iyaga oo aan wax fasax ah ka haysan Israel, haddii kalena la duqayn doono.
Ciidamada Israel ayaa carqaladeynaya in raashiinka, biyaha, shidaalka iyo dawada la gaarsiiyo dhulka lagu hareereysan yahay, waana ciqaab wadareedka ay hay'aduhu ka qaylo dhaaminayaan.
Tallaabooyinkan ay Israel uga sii dareyso xaaladda dadka rayidka ah ayaa dhalisay walaac caalami ah.