Xaalad cabsi ah oo ka jirta Baydhabo iyo dadka oo bilaabay inay barakacaan
Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in dadka shacabka ah ay bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda, ka dib cabsi ka dhalatay suurtagalnimada in maalinta Axadda ay weeraro ka dhici karaan magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo u daacad ah Madaxweynihii Koonfur Galbeed ee awoodda laga tuuray 30-kii bishii March ay habeen hore weerar xoogan ku qaadeen kontoroolka galbeed ee magaalada, waxayna Jimcihii shalay masuuliyiinta maamulkii hore ee Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu hoggaaminayay ay dadka uga diggeen inaysan ka qaybgeli karin doorashada tooska ah ee Axadda ka dhaceysa Baydhabo.
Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay 13 magaalo oo Koonfur Galbeed ah oo laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah oo dadweynuhu ay yihiin kuwa wax soo dooranaya.
Baydhabo ayaa ah magaalada codbixiyeyaasha ugu badan laga diiwaangeliyay, waana magaalada la filayo in ay dadka ugu badan ka codayn doonaan, waana magaalada ugu weyn ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Khamiistii sheegay in doorasho isku sidkan oo hal maalin ah laga qaban doono Koonfur Galbeed, wuxuuna shacabka ku booriyay inay ka faa'iideystaan doorashada taariikhiga ah.
Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa Jimcihii dadka reer Baydhabo ugu yeeray in ay isaga fogaadaan goobaha codbixinta, isagoona ka digay in ay bartilmaameed yihiin.
Dadka reer Baydhabo ayaa kuu sheegaya in ay baqdin badan ka qabaan in maalinta doorashada hoobiyeyaal lagu soo weeraro magaalada, haddii aanu iska horimaad kaba dhicin gudaha magaalada.
Weerarka habeen hore ka dhacay afaafka hore ee magaalada iyo digniinta daba socotay ayaa ah, waxa baqdinta ugu weyn ku dhaliyay dadka deegaanka.






