Xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza oo faraha ka sii baxeysa

Hay'adaha arrimaha bani'aadantinimada ayaa qaylo dhaan xoog leh ka muujiyay xaaladda aadka uga sii dareysa ee ka jirta Marinka Gaza oo dhan.

Hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa sheegay in xaalad quus ah ay ka jirto dhulka go'doonsan, ka dib markii Israel ay tan iyo 2-dii bishii March is hortaag ku hayso kaalmada bani'aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.

Israel ayaa marba qaadeysa tallaabo cusub oo ay uga sii dareyso xaaladda dadka reer Gaza, iyadoona maalmihii u dambeeyay burburin ku haysay isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka.

Israel ayaa 18-kii bishii March dib u soo cusbooneysiisay duqaymaheedii aan kala sooca lahayn ee Gaza, ka dib ku dhawaad laba bilood oo xabad joojin ah.

Shacabka faraha badan ee maalin walba ku dhaawacmaya weerarada hadaf la'aanta ee Israel ayaan heli karin daryeelka ay u baahan yihiin.

Maalmihii hore ee Israel soo celisay duqaymaheeda Gaza ayay hay'aduhu ka cabanayeen sahayda dawada iyo shidaalka oo gabaabsi ku sii ahaa isbitaalada, waxaase hadda xaaladda uga sii daray Israel oo bartilmaameed ka dhiganeysa goobaha caafimaadka, iyadoo markii horeba ay Gaza ka jirtay biyo la'aan iyo raashiin yari.

Ciidamada Israel ayaa maanta duqeeyay Isbitaalka Kuwaiti oo ku yaala koonfurta Marinka Gaza, waxaana ku dhintay dhakhtar, halka sagaal kalena ay ku dhaawacmeen oo isugu jira bukaan iyo shaqaale caafimaad. Isbitaalkan ayaa ku yaala deegaanka Al-Mawasi, halkaas oo ay gabaad u soo raadsadeen boqolaal kun oo qof oo degan guryo ka sameysan teendhooyin iyo cooshado. Waa isbitaalkii labaad ee la beegsado saddex cisho gudahood.

Weerarkan ayaa imanaya, ka dib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres uu sheegay in uu aad uga naxay weerarka Axaddii loo gaystay Isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza.

"Sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada, dadka dhaawaca ah, bukaanka, shaqaalaha caafimaadka iyo xarumaha caafimaadka waa in la ixtiraamo oo la ilaaliyo." Ayuu yiri Guterres.

Taliska Militariga Israel ayaa Xoogaga Xamaas ku eedeeyay inay ku dhuumaaleysanayaan isbitaalada, isla-markaana ay u adeegsadaan meel ay ka soo qaadaan weeraradooda. Shaqaalaha isbitaalada ayaa si joogta ah u beeniya eedeymaha Israel, iyagoona ku eedeynaya in ay si taxadar la'aan ah halis u gelineyso nolosha shaqaalaha caafimaadka, bukaanka iyo weliba barakacayaasha.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digtay in xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza ay mareyso meeshii ugu darneyd, tan iyo markii ay colaadda Gaza bilaabatay bishii October ee sanadkii 2023.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa maanta sheegtay in tirada dadka lagu dilay Gaza, muddadii uu dagaalku socday ay gaartay 51,000 oo qof iyo dhaawaca 116,343 kale, kuwaas oo u badan sida ay sheegtay haween iyo carruur.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA) ayaa ku celiyay inaanan gargaarka la gayn karin Gaza, sababtu tahay Israel oo gebi ahaanba diiday gargaarkii la gelinayay dhulka muddada dheer go'doonsan.

Gargaarka naf badbaadinta ee ku raran kolonyada Qaramada Midoobey ayaa ku qurmaya xuduudaha Gaza, iyadoo dadkii u baahnaana aanay heli karin.

Israel ayaa Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza isugu dartay dil, dhaawac, barakacin iyo gaajeysiin joogta ah, iyadoona ku tumaneysa sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.