Xaaladda Bariga Dhexe oo isgoys taagan, ka dib dilkii Hoggaamiyaha Xamaas

Ururka Xamaas ayaa saaka ku dhawaaqay in shirqool lagu dilay Hoggaamiye Ismail Haniyeh, kaas oo ku sugnaa Magaalada Tehran.

Xamaas ayaa Israel ku eedeysay inay ka masuul tahay dilka Ismail Haniyeh, isla-markaana uusan dhiigiisu noqon doonin mid meel cidlo ah ku daata. Xamaas waxay sheegtay in dilkan uu weji kale u yeeli doono dagaalka.

Hoggaamiyaha Xamaas ayaa dalka Iran u tegay ka qaybgalka caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, Masoud Pezeshkian.

Hoggaamiyaha Xamaas ayaa lagu dilay gantaal aan la aqoon halka laga soo tuuray oo ku dhacay hoygii uu ka deganaa Caasimadda Tehran, waxaana la dilay wax yar uun ka dib, markii uu ka soo laabtay kulan uu la qaatay Madaxweyne Pezeshkian.

Hoggaamiyaha Ruuxiga Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in Tehran ay waajib ku tahay inay u aarguddo weerarka lagu dilay Hoggaamiyaha Xamaas ee iyadu martida u ahaa.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay falka lagu dilay Hoggaamiyaha Xamaas ay mari doonaan ciqaabta ay mudan yihiin.

"Waa waajib inaga saaran Inaan u aargudno dhiiggiisii ku daatay dhulka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran." Ayuu Khamenei ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Madaxweynaha cusub ee Iran ayaa dhankiisa ku hanjabay in Israel ay ka shalaayi doonto dilka ay u gaysatay Ismail Haniyeh, oo uu ku tilmaamay inuu ahaa nin geesi ah.

Dowladaha Qatar, Jordan, Lubnaan, Suuriya, Ciraaq, Turkiga, Ruushka iyo Shiinaha ayaa dhammaantood cambaareeyay dilka Ismail Haniyeh.

Raysal Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in dilkan uu wiiqi karo dadaaladii xabad joojinta Gaza iyo sii deynta maxaabiista.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dilka Ismail Haniyeh looga dan lahaa in lagu jebiyo rabitaanka shacabka Falastiiniyiinta.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Ruushka, Mikhail Bogdanov ayaa dilka Haniyeh ku tilmaamay gebi ahaanba mid aan la aqbali karin.

Ismail Haniyeh, Hoggaamiyihii Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa muhiim u ahaa dadaalada dhexdhexaadinta ee xalka loogu raadinayo colaadda Marinka Gaza, waxayna dhimashadiisa carqaladeyn kartaa hindisaha Madaxweyne Joe Biden ee xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga.

Dilka Haniyeh ayaa uga sii daray xaaladdii adkeyd ee muddooyinkanba ka jirtay Bariga Dhexe, iyadoona uu gobolku taagan yahay isgoys aan la garaneyn, halka uu uga dhaqaaqi doono.

Bulshada caalamka ayaa dilkiisa u aragta xadgudub weyn oo gobolka colaad gelin kara, haatan oo gobolka ay xaaladdiisu tahay mid Allow sahal ah.

Haniyeh ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sarreyay Xamaas ee la dilo, tan iyo intii ay colaaddan dib uga soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Israel.