Xaaladda Magaalada Laascaanood oo mid caadiya ku soo laabaneysa

Xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa u muuqato mid ku soo laabaneysa mid caadiya, toddobaad ka dib markii Ciidanka Militariga Somaliland laga qabsaday saldhigyadii Maraaga iyo Goojacadde ee duleedka magaaladaasi.

Goobaha ganacsiga iyo isu socodka magaalada ayaa dib u furmaya, inkastoo weli ay magaaladu ka muuqanayaan raadadkii uu dagaalka uga tegay.

Dadkii magaalada barakaca uga maqnaa billooyinkii uu dagaalku ka socday ayaa maalmihii ugu dambeysay dib ugu soo laabanayay magaaladaasi.

Qoysaska qaar oo burbur uu guryahooda ka soo gaaray dagaalka ayaa wada dadaalo ay dib ugu dhisanayaan.

Sidoo kale inta aad dhex socoto magaalada ayay indhahaagu qabanayaan inay dib u soo camirmayaan goobaha ay bulshada isugu timaado.

Laascaanood ayaa ku dhawaad muddo toddobo bilood ahayd furin ay ku dagaalamayaan ciidamada deegaanka iyo kuwa Somaliland.

Dagaalkan oo noqonaya kiisii ugu muddada dheeraa ee magaaladaasi ka dhaca, inta ay taariikhdu qoreyso ayaa galaaftay nolosha boqolaal qof oo u badan ciidamadii wada dagaalamay.