Xabad joojinta Gaza oo laga cabsi qabo inay burburto

Waxaa jirta cabsi soo food saartay Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza, taasoo la xiriirta Israel oo gaysaneysa weeraro ay dad ku dhimanayaan.

Israel ayaa ku hanjabtay inay xanibeyso qulqulka gargaarka ee Gaza, iyadoo Xamaas ku eedeynaysa inaysan weli soo wareejin dhammaan meydadka ama lafaha maxaabiista.

Hindisaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee lagu soo afjarayo colaadda Gaza ayaa waxaa ka mid ah in Xamaas ay sii deyso dhammaan maxaabiista Israeliyiinta ee nool, sidoo kalena ay wareejiso meydadka kuwii dhintay. Xamaas ayaa Isniintii sii deysay dhammaan maxaabiista nool, iyadoona illaa iyo hadda wareejisay sida ay sheegtay lafaha sideed Israeliyiin ah.

Israel ayaa Xamaas ku cadaadineysa in ay si degdeg ah u soo wareejiso meydadka harsan, iyada oo isku dayeysa in ay wiiqdo is fahamkii hore ee ahaa in waqti la siiyo Xamaas, si ay meydadka dadkaasi uga soo saarto burburka dhismayasha.

Ururka Xamaas ayaa sheegay in meydadka dadkaasi ay ku hoos jiraan dhismayaashii ay Israel ku burburisay dagaalka, isla-markaana ay u baahan yihiin waqti ay ku qodi karaan burburka, si lafaha looga soo saaro.

Militariga Israel ayaa Talaadadii sheegay in Arbacadan ay xirayaan Isgoyska Rafah ee qaybta Gaza, si looga hortago kolonyada gargaarka ee ka soo gudbaya dhinaca Masar.

Dhanka kale Ciidamada Israel ee ku sugan qaybo ka mid ah Marinka Gaza ayaa sii wada duqaymo iyo rasaas goos goos ah, walow ay jirto xabad joojin.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay shalay iyo maantaba dileen 11 qof oo dad rayid ah.

Dhammaan dadkan ayaa lagu dilay Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, kuwaas oo sagaal ka mid ah Talaadadii lagu dilay xaafadda Shujayea.

Tallaabooyinka militari ee Israel ayaa xadgudub ku ah xabad joojinta Gaza, taas oo heshiiska xabad joojinta ka dhigeysa mid jilicsan.