Xabad joojinta Gaza oo mad madow uu soo wajahay

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa la kulmaya cadaadis gudaha iyo dibadda ah, oo lagaga dalbanayo in la soo afjaro dagaalka lagu hoobtay ee Gaza, isagoo dhanka kalena riixaya in la sii wado dagaalka.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid ayaa maanta ku baaqay in loo baahan yahay in la joojiyo dagaalka Gaza, si loo soo sii daayo maxaabiista Israel. Yair Lapid ayaa sheegay in dagaalkan aanu lahayn wax faa'iido ah, ka dib markii uu Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu ku eedeeyay in dagaalka ay ka waddo Gaza uu yahay mid hadaf la'aan ah.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Netanyahu ku booriyay in uu ogolaado heshiiska xabad joojinta Gaza, taas oo Tel Aviv ay hoos u dhigeyso.

Netanyahu ayaa Axaddii sheegay in guusha ay Israel ka gaartay Iran uu abuuray sida uu yiri fursado ay ka mid yihiin in la sii wado hawlgalka lagu soo furanayo la haysteyaasha.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa mar dambe isna sheegay in aysan joojin doonin dagaalka, iyadoo aan maxaabiista dib loogu soo celin guryahooda, lana burburin Xamaas.

Dalka Qatar oo ah dhexdhexaadiyaha ugu muhiimsan ee Israel iyo Xamaas ayaa sheegay in xabad joojintii Israel iyo Iran ay keentay in Israel ay sii xoojiso weeraradeedii Gaza.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari ayaa Isniintan sheegay in inkastoo Mareykanku uu doonayo heshiiska xabad joojinta Gaza, haddana ay jiraan caqabado ku gadaaman in la bilaabo wada hadalada heshiiska xabad joojinta.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in ay adkaatay in la aqbalo khasaaraha sii socda ee bani'aadantinimada Gaza, isaga oo ka digay in aan la ogolaan karin xiriirka ka dhaxeeya dhinacyada bani'aadantinimada iyo kuwa militariga ee Gaza, isagoo tusaaleynaya in Ciidamada Israel ay dilayaan dadka gargaarka bani'aadantinimo u soo doonta goobaha ay ilaalinayaan.

Masar oo ah dowladda labaad ee gacanta ka gaysaneysa in la gaaro heshiiska xabad joojinta ayaa walaac ka muujisay dib u dhaca ka jira in aan weli la cayimin waqtiga la qabanayo wareegga cusub ee wada hadalada xabad joojinta.

Doha iyo Qaahira waxay labaduba sheegeen in ay sare u qaadeen xiriirka ay la leeyihiin labada dhinac, haddana aan la isla garan goorta la qaban doono wada hadalada soo socda.

Dhanka kale Qaramada Midoobey ayaa waxay cambaareysay dilka sii kordhaya ee ay Ciidamada Israel dadka rayidka ah ugu gaysanayaan goobaha gargaarka ee ay ka hirgeliyeen dhulka go'doonsan.

Hay'adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay maanta oo keliya ay toogasho iyo duqayn ku dileen 51 qof, iyagoo sugaya in gargaar la siiyo.

Ma jirto meel gargaarka laga heli karo oo gudaha Gaza ah, marka laga soo tago xarumaha ay Israel dhawaan ka furtay Marinka Gaza, ayna sheegtay in dadku ay gargaarka bani'aadantinimo u soo raadsan karaan, ka dib markii ay diiday in hay'adaha caalamiga ah ay gargaarka gaarsiiyaan dadka duruufaha adag ku wajahaya dhulka go'doonsan ee Falastiin.

Gargaarka ayaa noqday fursad ay Israel ku kordhin karto dilka dadka rayidka ah, oo markiiba horeba gaajo daran la ildarnaa, waana waxa sii xoojinaya hadaf la'aanta dagaalkeeda Gaza.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in la laayo dadka rayidka ah, iyaga oo raadsanaya cunto ay cunaan.

Xafiiska ayaa ku baaqay in la sameeyo baaritaan, si loola xisaabtamo kuwa caadeystay dilka dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Xafiiska ayaa ku celiyay in dadka reer Gaza aysan haysan doorasho aan ahayn in ay gaajo u dhintaan amaba ay wajahaan halis ah in la beegsado, iyagoo raadinaya wixii ay cuni lahaayeen.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa dhawaan Israel ku eedeeyay in ay gargaarka u adeegsaneyso sida hub oo kale, taasoo uu xafiiskiisu ku tilmaamay dembi dagaal.