Xamaas oo Beesha Caalamka ugu baaqday in Israel laga joojiyo go'aanka ay ku xanibtay gargaarka

Xamaas ayaa si adag u cambaareysay go'aanka ka soo baxay Israel ee lagu joojiyay gebi ahaanba gargaarkii Gaza, waxayna ku tilmaamtay isku day qaawan oo lagu doonayo in lagu burburiyo heshiiska, lagana fogaado wada-xaajoodka wejigiisa labaad.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in is hortaaga gargaarka loo fidinayo in ka badan laba milyan oo ku nool Gaza ay tahay mag-dhow raqiis ah iyo dembi dagaal.

Xamaas ayaa ku celisay in Israel ay tahay cidda diidan in la galo marxaladda labaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis isweydaarsiga labada dhinac. Xamaas waxay sheegtay in Israel ay riixeyso qorshe lagu kordhinayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta.

Xamaas ayaa waxay sheegtay inay ka go'an tahay inay fuliso wixii horey loogu heshiiyay, iyadoo loo gudbayo marxaladda labaad.

Xamaas ayaa ku boorisay dalalka dhexdhexaadiyeyaasha iyo Beesha Caalamka inay Israel ku cadaadiyaan, si ay uga noqoto go'aanka ay ku xanibtay gargaarka. Xamaas ayaa dunida ugu baaqday in Israel lagu la xisaabtamo afgembi ka dhan ah is afgaradkii horey loo gaaray.

Mahmoud Mardawi oo ah sarkaal ka tirsan Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in ururku aanu aqbali doonin in la kordhiyo wejiga koowaad oo waqtigiisu ku ekaa Sabtidii.

Israel ayaa ku cadaadineysa Xamaas in la kordhiyo muddada xabad joojinta ee wejiga koowaad, si kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay u sii daayaan kala bar Israeliyiinta lagu haysto gudaha Gaza. Sababta ay Israel u diidan tahay wejiga labaad ee heshiiska waa in ay ku khasbanaan doonto in ciidamadeeda kala baxdo meelaha ay hadda kaga harsan yihiin Marinka Gaza.

Mahmoud Mardawi ayaa Al Jazeera u sheegay in Xamaas ay ku adkeysaneyso in loo gudbo wejiga labaad ee heshiiska. Marxaladda labaad ayaa muhiim u ah in la soo afjaro colaadda Gaza.

Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Qatar, Masar iyo Jordan ayaa cambaareeyay tallaabada Israel ay Axaddii ku jebisay heshiiska, ka dib markii ay soo celisay xanibaaddii ay muddada dheer ku haysay gargaarka bani'aadantinimo.

Wasaaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa Israel ku eedeysay in ay gaajeysiinta u adeegsaneyso, sida hub oo kale iyo ciqaab ka dhan ah shacabka Falastiin.

Masar iyo Qatar ayaa ah labada dal ee martigeliya kulamada lagu dhexdhexaadinayo Israel iyo Xamaas.