Xamaas oo shaacisay tirada gaadidka ay ka burburisay Ciidamada Israel, muddada dagaalka

Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam ayaa soo bandhigay xogta tirada gaadiidka ay ka burburiyeen Ciidamada Israel, afartii bilood ee la soo dhaafay ee dagaalka uu ka socday Marinka Gaza.

"Waxaan burburinay in ka 1,108 baabuurta Ciidamada Sahyuuniyadda (Israel), tan iyo markii uu bilowday dagaalka, inagoo adeegsanayna gantaalka Al-Yassin 105." Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Al Qassam.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in baabuurta la burburiyay ay isugu jiraan 962 ka mid ah taangiyada Ciidamada Israel, 14 gaadiidka qufulan, 55 kuwa xamuulka qaada ah, 74 cagaf-cagaf iyo 3 ka mid ah gaadiidka dhulka lagu qodo ee godadka lagu raadiyo.

Al Qassam ayaa sheegtay in hawlgalada lagu burburiyay gaadiidkaasi ay sababeen dhimashada iyo dhaawaca tiro badan oo ka mid ah ciidamadii ku soo duulay Gaza.

“In la beegsado gaadiidka Sahyuuniyadda ee dagaalka, waxa ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca tiro badan oo isugu jira saraakiil, askar iyo calooshood u shaqeysteyaasha cadowga." Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Al Qassam ayaa bayaankeeda ku sheegtay in sidoo kale tiro ka mid ah Ciidamada Israel la dilay, ka dib markii diyaarad burburisay gaadiidkii ay wateen ay keentay in ciidamadii gurmadka u fidinayay ay dib u gurtaan.

Al Qassam ayaa sheegtay in gantaalkeeda garbaha laga tuuro ee Al-Yassin 105 oo farsameyntiisu uu qiimo ahaan ugu fadhiyo $500 oo dollar ay ku burburiyaan taangi uu Israel ugu fadhiyo lix milyan oo dollar, oo ay uga la jeedaan taangiga Merkava.

Gantaalka Al-Yassin 105 oo ah qoriga sabanka ee Ruushka uu sameeyo, balse ay Xamaas ku horumariyeen Marinka Gaza ayaa noqday hubka ugu weyn ee ay maanta Xoogaga Al Qassam ku burburiyaan taangiyada iyo gawaarida gaashaaman ee Ciidamada Israel.

Xamaas ayaa Israel iyo dunidaba tustay in qorigeeda uu yahay kan ku habboon in lagu burburiyo taangiyada Merkava, ee ay sida weyn Tel Aviv ugu faanto inaanan si sahlan lagu burburin karin. 

Xamaas ayaa gantaalkeeda lidka taangiyada ugu magac-dartay aasaasihii ururkaasi, Sheikh Ahmed Yassin.