Xamaas oo sheegtay in Netanyahu uu ku degdegayo kordhinta xasuuqa dadka Gaza

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu ku degdegayo in ay ciidamadiisu kordhiyaan xasuuqa ay ka gaysanayaan Marinka Gaza, xilli Madaxweyne Donald Trump uu booqasho ku joogo Bariga Dhexe.
Xamaas ayaa cambaareysay weeraradii Ciidamada Israel ay Arbacadii ku dileen ku dileen illaa 100 qof oo shacab ah, tiro kalena ay ku dhaawaceen.
Xamaas ayaa sheegtay in Raysal Wasaaraha Israel uu riixayo in ciidamadiisu ay laba laabaan weerarada, sida aan loo meel dayin ee ay ugu beegsanayaan shacabka aan hubeysneyn.
Xamaas ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in iyadoo dalalka dhexdhexaadiyeyaaasha ay dalka Qatar ka wadaan kulamo ay uga shaqeynayaan, sidii xabad joojin looga samayn lahaa Marinka Gaza uu haddana Netanyahu ku howlan yahay carqaladeynta kulamadaasi iyo kordhinta xasuuqa ka dhanka ah shacabka aan is difaaci karin.
Xamaas waxay sheegtay burburinta guryaha rayidka iyo xasuuqa Falastiiniyiinta aanu Netanyahu ku gaari doonin wax guul ah.
Ciidanka Cirka Israel ayaa habeenkii Talaadada bilaabay in ay kordhiyaan weeraradooda hadaf la'aanta ah, isla-markaana ay ku dhibaateynayaan dadka reer Gaza oo la halgamaya, sidii ay u noolaan lahaayeen.
Netanyahu ayaa habeenkii Isniinta sheegay in militarigu ay maalmaha soo socda xoog badan gelin doonaan Marinka Gaza, waana saacado yar uun ka dib, markii ay Xamaas sii deysay askariga Israeli American-ka ee lagu magacaabo Edan Alexander, kaas oo lagu sii daayay heshiis Axaddii dhex maray Mareykanka iyo Xamaas.
Mareykanka ayaa sameeyay ballanqaadyo dhowr ah, oo la xiriira in la furo waddooyinka Gaza, in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan iyo in si dhameystiran loo soo afjaro dagaalka nafaha badan galaafanaya, iyadoo dhinaca kalena la sii deynayo Israeliyiinta lagu haysto dhulka go’doonsan.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sii deynta Edan Alexander ku tilmaamay tallaabo niyad wanaag ah, oo lagu joojinayo sida uu yiri dagaalka Gaza.
Netanyahu oo khilaafay hadalka Trump ayaa sheegay in aanay joojin doonin dagaalka, iyadoo aan la xaqiijin ujeedooyinkii ay Israel ugu duushay Marinka Gaza, oo ah burburinta Xamaas, dib u soo celinta la haysteyaasha Israeliyiinta iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqon Israel.