Xasan Shire Abgaal "Cilaaqaad lama lihin Dowladda Federaalka"

Xasan Shire Cabdi (Abgaal), Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland ayaa si adag u beeniyay eedeynta uga timid Dowlad Goboleedka Puntland, ee ah in siyaasiyiin uu isaga ka mid yahay ay Dowladda Federaalka u soo dirtay in ay qalqal amni ka abuuraan deegaanada Puntland.

Maxkamadda Sare Puntland ayaa Arbacadii soo saartay amar lagu soo xirayo afar xubnood, oo uu ka mid yahay Xasan Shire Cabdi, ka dib markii lagu eedeeyay in ay ka masuul ahaayeen weerar habeenkii Isniinta ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe.

Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in warqadda ka soo baxday Maxkamadda Sare uu u arko mid uu Madaxweynaha Puntland ku caburinayo siyaasiyiinta aan ku mowqifka ahayn.

"Warqaddaasi waxaan u arkaa Siciid Deni iyo keli-talisnimadii uu waday inay hadba meel ka tuseyso dadka ka aragtida duwan, oo waxa khaldan uu wado aan ka wada hadalno, oo aan wax iska weydiino dhahaya in uu hadba dhinac ku dhufanayo. Marka warqad waxaan u arkaa oday wareersan uu hadba dhinac u ridayo ka soo baxday." Ayuu yiri Xasan Shire Abgaal.

Waxa uu beeniyay xubnaha uu ka midka yahay in ay ka dambeeyeen weerarka ka dhacay duleedka Garoowe, isagoona masuuliyadda weerarkaasi dusha kaga tuuray Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

"Shaqaaqada Garoowe ka dhacday masuuliyadeeda waxaa lahaa Siciid Cabdullaahi Deni, annagu ma lahayn. Annagu guryahayaga ayaan joognay, ciidan ka mid ah Ciidamada Dowladda oo meel degan buu weeraray, isagaana falka lahaa." Ayuu yiri Xasan Shire.

Xasan Shire oo sheegay in uu haatan ku sugan yahay Magaalada Garoowe ayaa dhanka kale waxa uu sheegay inaanu wax walwal ahi ka qabin inay soo xiraan ciidamada amniga, isagoona taasi u sababeeyay in ciidamadu ay xiraan dadka dembiileyaasha ah, isagana aanu jirin wax dembi ah oo uu gaystay.

"Ciidamada amnigu qofkii dembiile ah oo dembi gala bay xiraan, magaalada ciddii dembi ka gasha bay xiraan iyo guud ahaanba Magaalooyinka Puntland, waana wax sharci ah. Marka ma jirto sifo sharci ah oo ay igu soo aadaan." Ayuu yiri Xasan Shire.

Mar uu ka hadlayay eedeynta loo jeediyay ee la xiriirta in ay ka shidaal qaadanayaan Dowladda Federaalka ayaa waxa uu sheegay inaanay wax xiriir ahi la lahayn Villa Somalia.

"Annagu xilal ma hayno, Dowladda Federaalkana waa dowladdii guud ee Somaliya, iyaduna amar nama soo siiso oo wax ay amar nagu siiso maba lihin." Ayuu yiri Xasan Shire oo intaa ku daray "Marka annaga iyo Dowladda Somaliya wax xiriir ah oo aragtida Puntland aan ka qabno oo aan u sheegayno ayaga iyo Beesha Caalamka aan ahayn oo naga dhaxeeyaa, ma jiraan."

Xasan Shire ayaa tilmaamay in xiisadda ka taagan Puntland lagu xalin karo, iyadoo maamulku uu ka tanaasulo doorashada qofka iyo codka aan heshiiska lagu ahayn, ee uu doonayo in laga qabto qaybo ka mid ah deegaanada Puntland, waana Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee 25-ka bishan loo asteeyay inay ka dhacdo Gobolada Bariga Puntland.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa dalbanaya in la joojiyo doorashadaasi, isla-markaana ay ka dhalan karto xaalad amni darro.

Madaxweyne Deni ayaase ku adkeysanaya in doorashadaasi qofka iyo codka ah uu dastuurku xaq u siinayo, isla-markaana aanay cidina ka hor istaagi karin.