Xiisadda Bariga Dhexe oo sii laba kacleynayso

Xiisadda Bariga Dhexe oo xudunteedu tahay colaadda Marinka Gaza ayaa u muuqato mid ka sii dareysa, xilli Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump lagu wado in toddobaadka soo socda uu booqdo gobolka.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo xalay laga soo duubay muuqaal video oo uu kaga hadlayay weerarka gantaal ay Xuuthiyiinta Yemen Axaddii ku qaadeen Garoonka Ben Gurion ayaa ku hanjabay in ay ka aargudan doonaan Xuuthiyiinta, isla-markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan Iran oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeyso weerarada ay Xuuthiyiintu gaysanayaan.
"Annaga oo ay na weheliso dunida oo dhan, waxaan halis ugu jirnaa Xuuthiyiinta, mana u dulqaadan doono, waxaana qaadi doonnaa tallaabo aargoosi oo aad u adag." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Waxa kaloo uu yiri "Waxaan mar walba xusuusanahay in Xuuthiyiinta ay ku dhaqmaan awaamiirta iyo taageerada Iran. Waxaan samayn doonnaa waxa loo baahan yahay in la sameeyo, si aan u gaarsiino digniin ku habboon Iran, oo ah inaanan u dulqaadan karin falalkan oo kale."
Hoggaamiyaha Israel ayaa taageeray warka Madaxweyne Trump uu ku sheegay in Iran ay qaadi doono masuuliyadda weerarada Xuuthiyiinta.
"Xabad kasta oo Xuuthiyiinta ay soo ridaan waxaa loo eegi doonnaa in ay tahay xabad laga soo riday hubka Iran. Iran ayaa masuul ka noqon doonta cawaaqib xumada ka dhalan doonta, cawaaqib xumadaas oo noqon doonta mid aad u daran." Ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Raysal Wasaare Netanyahu oo ka falcelinayay hadalka Trump ayaa sheegay in gebi ahaanba uu ku saxsan yahay eedeyntiisa Tehran.
"Weerarada Xuuthiyiinta ayaa ka imaanaya Iran. Israel waxay ka jawaabi doontaa weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion, annaga oo dooran doona goorta iyo goobta ee ay u maleeyaan argagixisada Iran." Ayuu yiri Netanyahu.
Iran oo si adag uga jawaabtay hanjabaadda Washington iyo Tel Aviv ayaa wacad ku martay in ay meel kasta ku beegsan doonto danahooda, saldhigyadooda iyo ciidamadooda, haddii ay soo weeraraan.
Aziz Nasirzadeh, Wasiirka Difaaca Iran ayaa uga digay inay bilaabaan dagaal ay Iran jawaab adag ka bixin doonto.
"Haddii dagaalkan uu bilaabo Mareykanka ama Maamulka Sahyuuniyadda, Iran waxay beegsan doontaa danahooda, saldhigyadooda iyo ciidamadooda, meel kasta oo ay joogaan iyo mar kasta oo loo arko inay lagama maarmaan tahay." Ayuu yiri Wasiirka, isaga oo tixraacaya hanjabaadda Trump iyo Netanyahu.
Golaha Wasiirada Amniga ee Israel ayaa xalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in la ballaariyo hawlgalka ay ciidamadooda ka wadaan Marinka Gaza.
Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa dhankooda sheegay in iyana ay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah, oo xagga hawada ay kaga go'doominayaan Israel, iyagoo markaasi kordhin doona weerarada ay ku beegsanayaan garoomada maamulkaasi.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa ku hanjabay in Ciidamada Yemen ay cunaqabateyn dhameystiran gelinayaan Israel, waxaana uu xusay inay si is daba joog ah u beegsanayaan garoomada diyaaradaha, gaar ahaan Garoonka Ben Gurion oo midka Israel ugu weyn ah.
"Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen, iyaga oo ka jawaabaya gardarrada Gaza waxay ku dhawaaqayaan in ay ka shaqayn doonaan, sidii ay cunaqabateyn dhameystiran oo dhinaca cirka ah ay ugu soo rogi lahaayeen cadowga Israel, iyagoo is si daba joog ah u beegsanaya garoomada diyaaradaha, gaar ahaan Garoonka Ben Gurion." Ayuu yiri Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta.
Afhayeenka ayaa maamulada diyaaradaha rakaabka ugu baaqay "Waxaan u sheegaynaa dhammaaan shirkadaha diyaaradaha in ay tixgeliyaan waxa ku jira bayaanka, laga bilaabo waqtiga lagu dhawaaqay ee la baahiyay, isla-markaana ay joojiyaan dhammaanba duulimaadyada ku wajahan garoomada cadowga dembiileyaasha ah, si loo ilaaliyo badbaadada diyaaradaha iyo shaqaalahoodaba."
Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa muddo dheer Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ku beegsanayay maraakiibta Israel, Mareykanka iyo kuwa ganacsiga ee ku sii jeeda Dekedaha Israel, taas oo jawaab u ah xasuuqa Israel ka waddo Marinka Gaza iyo xanibaadda ay ku hayso in gargaarka la geeyo dhulka ay go'doomisay.
Yemen ayaa illaa iyo hadda ah dalka keliya ee Carbeed amaba gobolka ku yaala ee ficil ahaan uga dhiidhinaya dembiyada Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza, iyadoo welibana dhegaha ka fureysaneysa baaqyada caalamiga ah ee loogu jeedinayo in ay joojiso ciqaab wadareedka ay ku hayso Falastiiniyiinta reer Gaza.