Xisbullah oo markii ugu horreysay garaacday Buurta Hermon

Xoogaga Xisbullah ayaa markii ugu horreysay garaacay saldhig ay Ciidamada Israel ku leeyihiin Buurta Hermon ee xadka Buuraha Golan ee Suuriya laga haysto.

Weerarka lagu qaaday buurtan oo sidoo kale loo yaqaano (Jabal Al-Sheikh) ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay oo Xisbullah ay ku qaaddo buurtaasi, tan iyo 8-dii bishii October oo xiisadda xuduudda Lubnaan iyo Israel ay soo cusboonaatay.

Ciidamada Israel ayaa saldhig weyn oo militari ku leh buurtaasi, iyagoona kala socda dhaqdhaqaaqa deegaanada xuduudda.

Xisbullah ayaa xalay sheegtay in weerarka shalay galab ay u adeegsatay diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn.

"Waxaan ku weerarnay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn xarun tekniko iyo elektaroonik ah oo sahamin ah oo ku taal Buurta Hermon ee Buuraleyda Golan ee Suuriya laga haysto." Ayay Xisbullah ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Bayaanka ayaa lagu yiri "Waxaan beegsanay qalabka ay wax ku basaasaan, sirdoonka iyo nidaamyada farsamada, waxaana burburinay qayb ka mid ah."

Xisbullah waxay sheegtay in weerarkan uu noqonayo kiisii ugu weynaa ee drones loo adeegsado ee ka dhan ah Israel, tan iyo October 8-deedii.

Xisbullah waxay kaloo sheegtay in markii ugu horreysay ay noqonayso in la weeraro xarunta sahminta ee Buurta Hermon, tan iyo dagaalkii 1973-kii.

Dhanka kale Warbaahinta Israel ayaa baahisay muuqaalo muujinaya dab ka holcaya goobihii ay Xisbullah weerartay.

Israel ayaan weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan ugu dambeeyay ee ay Xisbullah ka gaysatay dhulka ay maamusho.

Xoogaga Xisbullah ayaa muddooyinkii ugu dambeysay xoojiyay weerarada ay ku hayaan saldhigyada ay Ciidanka Difaaca Israel ku leeyihiin deegaanada dhaca xadka.

Xiisadda labada dhinac ayaa si tartiib tartiib ah u sii xoogeysaneysay muddo billo ah, taasoo sii kordhisay cabsida laga qabo dagaal ballaaran oo dhex mara.

Xiisadda Israel iyo Xisbullah ayaa salka ku hayso dagaalka Marinka Gaza.