Xisbullah oo sheegtay in dagaalka gobolka uu weji kale yeeshay, ka dib duqaymihii Israel ee Yemen

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay inay taageersan yihiin Xoogaga Xuuthiyiinta iyo shacabka Yemen, ka dib duqaymihii Israel ay caawa fiidkii ka gaysatay Magaalada Hudaydah ee dhacda galbeedka Yemen.
Xisbullah ayaa sheegtay tallaabada ay Israel ku weerartay dalkaasi inay weji kale u yeelayso colaadda Bariga Dhexe, taasoo ah weji cusub oo dagaal gobolka oo dhan ah.
"Tallaabada nacasnimada ah ee ay qaadeen cadowga Sahyuuniyadda waxay calaamad u tahay marxalad cusub oo dagaal." Ayay Xisbullah ku sheegtay war ay soo saartay.
Xisbullah ayaa warkeeda ku sheegtay "Waa weji cusub oo dagaal oo khatar ku ah iska horimaad ballaaran oo gaarsiisan heer gobolka oo dhan ah."
Xisbullah waxay sheegtay inaysan dagaalka ku keli noqon doonin Xuuthiyiinta Yemen, isla-markaana ay si buuxda u garab taagan yihiin.
Taliska Militariga Israel oo qirtay masuuliyadda duqaymaha ka dhacay magaalada dekedda leh ee Hudaydah ayaa sheegay inay jawaab u ahayd weerarkii Xuuthiyiinta ay Jimcihii ka gaysteen magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv.
Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarku uu digniin u yahay cadowga Israel, sida uu yiri.
"Dabka hadda ka holcaya Hudaydah waxaa lagu arkay Bariga Dhexe oo dhan, muhiimadduna waa caddahay." Ayuu yiri Wasiirku.
Telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in weerarada xagga cirka ee Israel lagu bartilmaameedsaday xarunta korontada iyo haamaha shidaalka ee Dekedda Hudaydah, ayna sababtay in korontada ay ka go’do magaaladaasi oo dhan.
TV-ga Al Masirah ayaa tebiyay in ay jiraan dad ku dhintay iyo kuwa kale oo ku dhaawacmay duqayn is xigxigtay ee ay Israel ka gaysatay Magaalada Hudaydah, inkastoo aan illaa iyo hadda la garaneyn khasaaraha dhabta ah ee duqaymuhu gaysteen.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in Ciidamada Yemen aysan ka waaban doonin bartilmaameedyadooda muhiimka ah ee ka dhanka ah Israel.
Xiisaddan aadka u sarreyso ee ka jirta Bariga Dhexe ayaa mar kale dhalisay walaac caalami ah.