Xisbullah oo soo gashay dagaalka

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa waaberigii hore ee saaka ku dhawaaqay in ururka uu gudan doono waajibaadkiisa ku aaddan ka hortagga gardarrada Mareykanka iyo Israel, ka dib weeraradooda ka dhanka ah Iran iyo dilka ay u gaysteen Hoggaamiyihii ruuxiga ee dalkaasi, Ayatollah Ali Khamenei.
Ururka ayaa sheegay in dilka Khamenei, saraakiisha iyo wiilasha kale ee aan waxba galabsan ay ka dhigan tahay heerka ugu sarreya ee dembiyada.
"Waxaan gudan doonnaa waajibaadkeenna ah inaan ka hortagno gardarrada, kalsoonida aan ku qabno guusha Alle, hanuuninta iyo garab istaagiisa. Si kasta oo ay u weyn tahay naf hurnimada, kama tagi doono sharafta iyo iska caabinta ama inaan la dagaalano gumeysiga Mareykanka iyo dembiileyaasha Sahyuuniyiinta, si aan u difaacno dhulkeenna, sharafteenna iyo doorashooyinkeenna madaxbannaan." Ayaa lagu yiri bayaan ay Xisbullah soo saartay.
Dhanka kale Xoogaga Xisbullah ayaa duqeeyay saldhig militari oo ku yaala duleedka Magaalada Haifa ee Waqooyiga Israel. Xisbullah ayaa sheegtay in weerarku uu ahaa mid ay ugu aargudayeen Ayatollah Ali Khamenei.
Xisbullah ayaa sidoo kale sheegtay in weerarku uu jawaab u yahay xadgudubyada soo noqnoqday Israel ee ka dhanka ah shacabka Lubnaan.
Ciidanka Cirka Israel oo ka falcelinaya weerarka Xisbullah ayaa duqeeyay Magaalada Beirut.
Rabshadahan ayaa muujinaya in uu sii xoogeysanayo dagaalka Bariga Dhexe ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Israel oo wada socda iyo Iran iyo ururada hubeysan ee xulafada la ah.


