Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ugu yeeray Israel in ay furto marinada gargaarka

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Maamulka Israel ugu yeeray in ay furaan waddooyinka gargaarka ee Marinka Gaza.
Ciidamada Israel ayaa go'doomin dhameystiran geliyay Gaza, si Israel ay uga aargudato weerarkii ay Xamaas Sabtidii ka gaysatay dhulka la haysto. Ciidamadan ayaa la sheegaya in ay xireen waddooyinka gala magaalada.
Ciidanka Difaaca Israel oo markii hore dhulka, badda iyo hawadaba ka go'doomiyay Gaza ayaa haatan ka jaray korontada iyo biyaha, iyadoona xitaa ay Israel diiday in magaalada la geeyo shidaalka, sahayda cuntada iyo dawooyinka.
Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa go’doomintan ku tilmaamay mid sharci darro ah, marka loo eego buu yiri sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa xoojiyay baaqyada Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ku aaddan in la furo waddooyinka Gaza, si gargaarka bani'aadanimo loo gaarsiiyo dadka u baahan ee ku nool magaaladaasi.
Xoghayaha ayaa Dowladda Masar ku bogaadiyay, sida ay diyaarka ugu tahay inay fududeyso kaalmada bani'aadanimo ee laga gudbinayo xuduudda Rafah ee Masar la leedahay Gaza.
Ciidamada Masar ayaa Talaadadii xiray waddada Rafah, oo ahayd tan ugu muhiimsan ee ay adeegsan karaan dadka ka baxsanaya duqaymaha baahsan ee Israel ka waddo Gaza.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Sameh Shoukry ayaa sheegay in dowladdiisu ay dooneyso in uu sii furnaado xadka Rafah, si gargaarka bani’aadanimo loo gaarsiiyo dadka aan waxba galabsan ee duulaanka uu ku socdo.
340,000 oo qof oo ka mid ah dadka reer Gaza ayay u suurtagashay in ay guryahooda ka cararaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey, waxaase weli magaalada ku xaniban ku dhawaad laba milyan oo qof oo dadka deegaanka ah.


