Xoghaye Guterres oo ka digay in dunidu ku guuldareysato ilaalinta dadka rayidka

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa ka digay in dunidu ku guuldareysato in ay dadka rayidka ah ka ilaaliso dembiyada bahalnimada ah, isaga oo ku baaqay in dib loo cusbooneysiiyo ballanqaadka caalamiga ah ee ku aaddan masuuliyadda ilaalinta, maadaama mabda'a la qaatay labaatan sano ka hor uu weli yahay mid ballanqaad uun ku eg, isla-markaana aanu jirin wax ficil ah oo lagu fulinayo.

Isagoo Arbacadii la hadlayay xubno metelayay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ayaa waxa uu sheegay in dunidu ay marqaati ka tahay isku dhacyo hubeysan oo si joogta ah u dhacaya, tan iyo dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka.

"Inta badan digniinaha ugu horreya waa kuwa aan dheg loo dhigin iyo caddeymaha lagu eedeynayo dembiyada ay galeen dowladaha iyo Jileyaasha aan dowliga ahayn,  waxaana laga la kulmaa diidmo, danayn la'aan ama cadaadis." Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Xoghayaha ayaa yiri "Jawaabooyinku inta badan waa kuwo aad u yar oo aad u daahay, aan iswaafaqsaneyn ama ay wiiqaan heerar laba jibaaran. Dadka rayidka ah ayaa bixinaya qiimaha ugu sarreya."

Xoghayaha ayaa xusay in shir madaxeedkii sanadkii 2005 ay hoggaamiyeyaasha dunidu sameeyeen ballanqaad aan horey loo arag oo dadka rayidka ah looga ilaalinayo buu yiri dembiyada bahalnimada ah ee xasuuqa, dembiyada dagaalka, isir sifeynta qowmiyadaha iyo dembiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, ha yeeshee aanu ballanqaadkaasi fulin.

"Marka madaxda dalalka ay si cad ugu fashilmaan in ay sidaasi sameeyaan, Beesha Caalamka waxaa ku waajib ah in si wadajir ah, waqti iyo go'aan leh u dhaqmaan, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobey." Ayuu yiri Xoghayuhu.

Waxa uu sheegay in rabshadaha ku saleysan aqoonsiga ee sii xoogeysanaya, isla xisaabtan la'aanta iyo hubeynta ama dagaalka teknolojiyadda casriga ah ay sii kordhinayaan khataraha ku wajahan dadyowga adduunka.

"Ma jirto bulsho ka badqabta halista dembiyada waxashinimada." Ayuu yiri António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Xoghaye Guterres ayaa Beesha Caalamka ku booriyay in si wadajir ah looga hortago dembiyada bahalnimada ee ka dhanka ah dadka rayidka ah, iyado loo marayo buu yiri iskaashi dhinacyo badan leh, dibloomaasiyad mabda'a leh iyo go'aan qaadasho, si wax ku ool ah in loo ilaaliyo rayid.

Guterres ayaa ku talinaya in loo baahan yahay in la waayo hoggaamiye dambe ama shakhsiyaad kale oo ku dhiirada dembiyada bahalnimada ee ka dhanka ah dadka rayidka ah.

"Aan ilaalino ballanta, aan ku dhaqaaqno go'aan, midnimo iyo geesinimo." Ayuu yiri Guterres.

Guterres ma sheegin dal ama goob uu si gaar ah uga walaacsan yahay waxa ka socdo, ha yeeshee muddooyinkii u dambeysay ayuu walaac xoog leh ka muujinayay xaaladda quusta ah ee ay ku nool yihiin Falastiiniyiinta reer Gaza.