Xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab oo lagu dilay Degmada Mahadaay

Ciidanka Booliska ee ka hawlgala Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa xalay toogasho ku dilay laba nin oo lagu sheegay inay ahaayeen xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Saraakiisha Booliska Hirshabelle ayaa sheegay in raggaasi ay doonayeen inay miinooyin ku aasaan agagaarka Suuqa Xoolaha ee degmadaasi, lana dilay iyaga oo falkaasi ku guda jira.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Mahadaay, Gaashaanle Saleebaan Maxamed Cumar (Cowsey) ayaa sheegay in ciidamadu ay si qorsheysan u fuliyeen hawlgalkaasi, isla-markaana ay ku guuleysteen inay ka hortaggaan khatarta miinooyinkaasi.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamadu ay si feejigan uga hortaggeen miinooyinkaasi oo sida uu sheegay inay labadaasi nin damacsanaayeen inay ku waxyeelaayaan shacabka iyo ciidamada amniga.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah miinooyinkan oo laba ahaa ay qaraxday, middii kalena ay ciidamadu goobta ka qaadeen.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa soo bandhigay muuqaalka labada nin ee lagu dilay Degmada Mahadaay.

Waa wax naadir ah in ciidamadu ay dilaan amaba ay qabtaan xubnaha ka tirsan Al Shabaab, kolka ay miinooyinka ku aasayaan waddooyinka iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin.