Xubno lala xiriiriyay Shabaab oo lagu xiray Magaalada Muqdisho

Ciidanka Xasillinta Magaalada Muqdisho oo habeenkii labaad hawlgal ka sameeyay Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa gacanta ku soo dhigay dhallinyaro fara-badan, kuwaa oo intooda badan ay dib isaga sii daayeen.

Hawlgalkan oo ay iska kaashanayeen Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare ayay ciidamadu ka sameeyeen qaybo ka mida xaafadaha degmooyinkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xarumahooda u kaxeysteen laba nin, oo ay ku tuhmayaan in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada ayaa intii uu hawlgalku socday waxay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen waxyaabaha maanka-dooriya iyo weliba shan qof oo la sheegay inay ka ganacsanayeen.

Hawlgalkan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qaybta Booliska Weliyow Cadde, Gaashaanle Daa'uud Axmed Caraale ayaa sheegay in hawlgalka ujeedkiisu uu ahaa xaqiijinta amniga magaalada iyo ka hortagga falalka liddiga ku ah xasilloonida caasimadda.

Taliyaha ayaa shacabka reer Muqdisho ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada, si hal meel looga soo wada jeesto kooxaha nabadiidka.

"Waxaa la rabaa ciidanka ammaanka inaad la shaqeysaan, annaga iyo idinka isku dhibaa nahay, waxa dhibka idiinku hayo inaad sheegtaan, garan-waaga guri idiinku jira inaad sheegtaan, waxaad ka shakisaan inaad soo sheegtaan oo ciidanka aad la kaashataan." Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray "Haddii wax dhacaan, dadka ay ku dhacayaan waa idinka, haddii barwaaqo timaadana dadka ku naaloonayo idinka weeye. Waxaa marka inoo roon barwaaqo inaan ka shaqayno."

Ciidamada amniga ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii ay u xaqiijin lahaayeen ammaanka Caasimadda Muqdisho.