Xuuthiyiinta oo ogolaaday in la jiido markabka saliidda ku daadinaya Badda Cas
Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa ogolaaday in la jiido markabka dalka Giriiga laga leeyahay ee saliidda ku daadinaya marin biyoodka Badda Cas.
Markabka Sounion oo ah nooca shidaalka qaada ayaa 21-kii bishan lagu gubay meel 77 nautical miles dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Hudaydah ee Yemen. Markabkan oo shaqaalaha laga daadgureeyay ayaa looga tagey goobta, ka dib markii uu dab xoogan qabsaday.
Isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ayaa dhowr jeer isku dayay in markabka halkaasi laga jiido, balse aanay suurtagelin, sababo la xiriira Xuuthiyiinta oo weerarayay cid kasta oo ka ag dhawaato markabkaasi. Markabku wuxuu siday ku dhawaad hal milyan fuusto oo saliid ceyriin ah, waxaana uu maalmo ka dib bilaabay in saliidda uu ku daadiyo badda, taasoo keentay in laga digo masiibo deegaan.
Safiirka Iran ee Qaramada Midoobey, Amir Saeid Iravani ayaa xaqiijiyay in Ururka Xuuthiyiinta Yemen ay ogolaadeen in gurmad loo fidiyo markabkan oo watay Calanka Giriiga, si halkaasi looga jiido.
Afhayeenka Xafiiska Siyaasadda ee Xuuthiyiinta, Mohammed Abdul-Salam ayaa sheegay in keliya ay ogolaadeen in markabka laga jiido Badda Cas.
Afhayeenka ayaa sheegay in tani ay ku aqbaleen codsi uga yimid dowlado badan oo kuwa caalamka ah.
Afhayeenka ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay inaysan jirin wax xabad joojin ah, aan ka ahayn jiidista markabkaasi.
Markabkan oo ka ambabaxay dalka Ciraaq ayaa ku sii jeeday deked ku taala duleedka Magaalada Athens, halkaas oo ay ku yaalaan warshado sifeeya shidaalka.
Xuuthiyiinta Yemen oo ka soo horjeeda duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa fara kulul ku haya maraakiibta ganacsiga ee laga leeyahay Mareykanka, Ingiriiska & Israel iyo kuwa kale ee lala xiriiriyo Dekedaha Israel.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan weeraradooda maraakiibta ee ay ku taageerayaan dadka reer Gaza, illaa iyo inta ay Israel waddo weeraradeeda naxariis darrada ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta.