Xuuthiyiinta oo sheegay in uu is bedelay mowqifkii Mareykanka

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in uu is bedelay mowqifkii Mareykanka ee dagaalka, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay in ay heshiis xabad joojin ah la galeen ururkaasi, isagoo welibana sheegay in heshiiska ay codsadeen Xuuthiyiinta.

Mohammed Abdul-Salam, Madaxa Wada-xaajoodka Xuuthiyiinta ayaa sheegay inaanu is bedelin mowqifkoodii, isla-markaana aanay heshiiskan qayb ka ahayn Israel.

Mohammed Abdul-Salam ayaa Telefishinka Al Masirah u sheegay in mowqifka Yemen uu yahay mid adag, ayna ka go'an tahay inay sii wadaan weerarada ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta.

"Waxa is bedelay waa mowqifka Mareykanka, annaguse mowqifkayagu waa mid adag." Ayuu yiri Mohammed Abdul-Salam.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu yiri "Heshiiskan kama dhigna inaanu joojinayno weerarada iyo go'doomintayada Israel."

Sarkaalkan ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan weerarada ay ku go'doominayaan Israel, illaama laga joojinayo dagaalka Gaza, lagana qaadanayo go'doominta ay Israel gelisay Marinka Gaza.

"Taageeradayada shacabka Falastiin ee Gaza waxba iskama bedeli doono. Mowqifkayagu waa mid adag." Ayuu yiri Mohammed Abdul-Salam oo la hadlayay Al Masirah, oo ah telefishin ku hadla afka Xuuthiyiinta.

Xuuthiyiinta ayaa Talaadadii aqbalay in ay joojiyaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta Mareykanka ee mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ka dib dhexdhexaadin ay garwadeen ka ahayd Dowladda Cumaan.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa 12-kii bishii January ee sanadkii hore bilaabay in ay xagga cirka ka garaacaan dalka Yemen, si Xuuthiyiinta loogu cadaadiyo inay joojiyaan weeraradooda ay ka gaysanayaan gudaha Israel iyo beegsiyadooda ka dhanka ah maraakiibta Israeliyiinta iyo kuwa kale ee ku sii jeeda Dekedaha Israel, taas oo colaad ka dhex hurisay ururka reer Yemen iyo Mareykanka.

Xuuthiyiinta ayaa daba-yaaqadii bishii March dib u bilaabay weeraradoodii ay ka gaysanayeen gudaha Israel, sidoo kalena ay ku bartilmaameedsanayeen maraakiibta Israel iyo Mareykanka, ka dib markii Israel ay jebisay heshiiskii xabad joojinta Gaza ee u dhaxeeyay iyaga iyo Xamaas.

Mareykanka ayaa hadda heshiiskan aqbalay, iyadoo aanay ciidamadiisu xaqiijin in ay awood militari ku joojiyaan weerarada ay Xuuthiyiintu taageerada ugu muujinayaan dadka reer Gaza.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiiradiisa midigta fog ay ka carreysan yihiin heshiiskan.

Xubnaha ku dhow dhow Xafiiska Hoggaamiyaha Israel ayaa laga soo xigtay inaanan haba yaraatee la soo ogeysiinin heshiiskaasi.

Mareykanka ayaa loo maleynaya in uu heshiiskan u door-biday, si uu Tel Aviv ugu khasbo in ay aqbasho in la dejiyo xiisadda aadka u sarreyso ee ka jirta Bariga Dhexe, taas oo fure u ah in la soo afjaro colaadda Gaza.