Xuuthiyiinta oo si adag uga hadlay liiska argagixisada ee lagu daray
Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa ka hadlay warka ka soo yeeray Mareykanka ee sheegaya in ururka dib loogu celiyay liiska argagixisada caalamiga ah.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa bishii January ee sanadkii 2021 Xuuthiyiinta ku daray liiska argagixisada, hase ahaatee bil ka dib oo uu xafiiska yimid Madaxweyne Joe Biden, Washington ayaa liiska argagixisada ka saartay Xuuthiyiinta Yemen. Madaxweyne Biden ayaa xilligaasi sheegay in Mareykanka uu soo geba-gabeeyay taageeradii uu siin jiray isbahaysigii uu Sacuudiga hoggaaminayay ee dagaalka kula jiray Xuuthiyiinta oo ay Iran taageerto.
Mareykanka ayaa Arbacadii sheegay in saddex sano ka dib ay Xuuthiyiinta ku celinayaan liiska argagixisada, ka gadaal markii ay kordheen weerarada ay ka gaysanayaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Afhayeenka Garabka Wada-xaajoodka ee Xuuthiyiinta, Mohammed Abdul-Salam ayaa wax aan macno sameynayn ku sheegay tallaabada ururkooda dib loogu celiyay liiska argagixisada.
Mohammed Abdul-Salam ayaa Reuters u sheegay inaanay tani wax saamayn ah ku yeelan doonin hawlgalada Badda Cas ee ka dhanka ah maraakiibta ku wajahan dhanka Israel.
Waxa uu sheegay in xoogagooda ay sii wadi doonaan weerarada ay ku xaqiijinayaan in maraakiibta u socda Israel aysan ka gudbin marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Xuuthiyiinta ayaa ku celiyay weeraradooda maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ay jawaab u yihiin hawlgalada uu dhiigga badani ku daadanayo ee ay Israel ka waddo Gaza.
Mohammed Al-Bukhaiti oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Xuuthiyiinta ayaa isna sheegay in tallaabada dib loogu celiyay liiska argagixisada aysan ka hor istaagi doonin inay sii wadaan hawlgalada ay ku go'doominayaan Dekedaha Israel, inta uu socdo duulaanka Tel Aviv ee Gaza.
Mohammed Al-Bukhaiti ayaa sheegay in Xuuthiyiinta ay ka go'an tahay in Badda Cas ay ka dhigaan meel aanay mari karin maraakiibta ganacsi ee ku sii jeeda Israel.
"Go'aanka Mareykanka uu Ansarallah ama Xuuthiyiinta uu ugu aqoonsaday urur argagixiso, waxay caddeyn u tahay fashilka iyo awood la'aanta militari ee Mareykanka." Ayuu yiri Al-Bukhaiti oo BBC la hadlay.
"Man noqon karno urur argagixiso, maadaama aan ku dadaalayno inaan joojino xasuuqa, isla-markaana aan raadinayno inaan soo afjarno go'doominta lagu hayo in ka badan laba milyan oo qof oo ku nool Gaza, si loo gaarsiiyo raashiin, dawo iyo shidaal." Ayuu yiri Al-Bukhaiti oo intaasi ku daray "Sidaasi darteed go'aanka Mareykanka waxba ma bedeli doono."
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa ku hanjabay inay ballaarin doonaan weerarada, si ay uga jawaabaan duqaymaha ay Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ku hayaan dhulka ay Xuuthiyiintu ka arrimiyaan.
"Ciidamada Badda Yemen kama waaban doonaan inay beegsadaan dhammaan bartilmaameedyada saxda ah ee Badda Cas iyo Badda Carabta, waana wax sharci ah in la sii wado taageerada aynu siinayno shaacabka Falastiiniyiinta ee dulman." Ayuu yiri Afhayeenka oo warkan ku sheegay qoraal uu ku saxiixnaa.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian ayaa sheegay in xalka keliya ee maanta la haysto uu yahay in la soo afjaro weerarada Israel ee Gaza, si buu yiri meesha looga saaro khatarta maraakiibta.
"Amniga Badda Cas wuxuu ku xiran yahay horumar laga sameeyo colaadda Gaza, qof walbana dhibane ayuu u noqon doonnaa, haddii dembiyada Maamulka Sahyuuniyadda ee Gaza aysan joogsan." Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Dhammaan dhinacyada iska caabinta waxay ahaan doonaan kuwo firfircoon."
Xiisadda ka taagan marinka maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas oo xiriir la leh colaadda Gaza ayaa noqday qodobka ugu horreya warka ee Warbaahinta dunida.