Xuuthiyiinta oo si joogta ah gantaalo ugu weeraraya Israel
Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa joogteynaya weearada gantaalada ay ku garaacayaan Israel ee lagaga soo horjeedo duulaankeeda Marinka Gaza.
Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay si habeenle ah gantaal ugu garaacayay bartamaha Israel iyo dhulka laga haysto Falastiiniyiinta.
Xalay, waxaad mooddaa in xaalku uu ka duwanaa habeenadii la soo dhaafay, ka dib markii Xuuthiyiinta ay weerar ku qaadeen magaalada waqooyiga Israel ku taala ee Haifa.
Xuuthiyiinta ayaa Axaddan sheegtay in ay si sax ah u garaaceen warshad koronto oo ku taala magaalada dekedda leh ee Haifa.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay beegsadeen xaruntaasi korontada.
"Ciidamada Yemen ayaa weerar ku qaaday Warshadda Korontada Orot Rabin ee koonfurta Haifa, iyadoo la adeegsanayo gantaal ballaastikada ah ee Falastiin 2." Ayuu yiri Afhayeenku.
"Gantaalka ayaan seegin bartilmaameedkiisii." Ayuu yiri General Yahya Saree, isagoo dhanka kalena wacad ku maray in Yemen ay sii wadi doonto weeraradeeda ka dhanka ah Israel.
"Maamulka Sahyuuniyadda illaa iyo inta ay ka joojinayaan gardarradooda Gaza iyo go'doominta ay ku hayaan, gacanteennu waxay noqon doontaa mid aan istaagin." Ayuu yiri General Saree.
Militariga Israel ayaa dhankooda sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay ka hortaggeen, isla-markaana ay soo rideen gantaal ka soo dhacay jihada dalka Yemen.
Militariga Israel ayaa habeenadii la soo dhaafay la tacaalayay gantaalka guuxiisa ka dheereeya ee Falastiin 2, kaas oo daryankiisa xoogan lagu tilmaamay sida dhulgariir oo kale.
Gantaalkan ayaa ah mid lagu farsameeyay gudaha Yemen, waana mid ay Saraakiisha Xuuthiyiinta ku sheegeen in lagu garab istaagayo shacabka Falastiin, laguna soo nooleynayo qaddiyadda qaranimadooda.
Gantaalkan ayaa la sheegaa in ay adag tahay in la qabto amaba laga hortago. Iyadoo Militariga Israel ay sheeganayaan in inta badan gantaalkaasi ay soo ridaan ayaad haddana arkaysaa in waxyeelo uu ka tago.
Marka Israeliyiinta ay ugu baqdinta badan yihiin ayaa ah kolka uu gantaalkaasi, sida tooska ah ugu soo dhaco gudaha Israel iyo dhulka la haysto.
Israeliyiin laga wareystay Warbaahinta maxaliga ayaa wax waali ah ku tilmaamay jugta weyn ee gantaalkaasi iyo weliba qaraxyada ka dhasha.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi ayaa khudbaddiisii ugu dambeysay ee Khamiistii uu jeediyay ku sheegay in iyaga iyo Israel aysan nabad dhex oolin, illaama xabad joojinta laga sameynayo Gaza, lana qaadanayo xanibaadaha saaran.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa Khamiis kasta jeediya khudbad laga baahiyo TV-ga Al Masirah oo afkooda ku hadla, isla-markaana uu kaga hadlo xaaladda gobolka iyo weerarada Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.
Sidoo kale maalin kasta oo Jimce ah ayaa waxaa dhulka ay Xuuthiyiintu ka arrimiyaan ka dhaca bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo duulaanka Israel, laguna taageerayo weerarada is garabtaaga loogu sameynayo Falastiiniyiinta. Xuuthiyiintu ayaa maamula inta badan dalka Yemen.
Xuuthiyiinta ayaa ah ururka keliya ee militari ee Bariga Dhexe ee taageeraya dadka reer Gaza, iyagoona ka dhiidhinaya gumaadka lagu hayo iyo kaalmada bani'aadantinimo ee laga hortaagan yahay.
Xuuthiyiinta ayaa meel xun uga soo baxay Israel, oo muddo dheer ku amar taagleynaysay Bariga Dhexe.
Xuuthiyiinta Yemen ayaa hadda u taagan awoodda iska caabinta ee gobolka iyo sawirka inuu jiro dal Carbeed oo wajihi kara Israel.