Yahya Saree oo sheegay inay soo rideen diyaaradda Bayraktar Akinci oo Sacuudigu leeyahay

Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa ku dhawaaqay in Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen ay Axaddan soo rideen diyaarad aan duuliyaha lahayn oo nooceedu yahay Bayraktar Akinci.

Diyaaraddan ayaa ka mid ah drones-ka uu Turkigu sameeyo, waana mid ka mid ah diyaaradaha drones-ka ee ugu casrisan ee maanta dunida yaala, waxaana la sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ay isticmaalayeen Ciidamada Sacuudiga.

Diyaaraddan ayaa waxaa loo adeegsadaa hawlgalada sahanka iyo burburinta hadafka militari ama bartilmaameedyada cadowga, waana mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ugu awoodda badan dunida casriga ah.

Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta ayaa sheegay in diyaaradda lagu soo riday hawada Gobolka Al-Jawf ee Waqooyiga Yemen, ka dib markii uu sheegay inay wadday hawlgalo cadowtinimo ah.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in diyaaradda lagu soo riday hub ku habboon, oo uu ula jeedo in loo adeegsaday gantaal laga tuuray dhulka.

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa ku hubeysan gantaalo casri ah, oo ay ku jiraan gantaalada ballaastikada iyo kuwa kale ee cruise-ka.

Tallaabada lagu soo riday diyaaraddan ayaa waxay qayb ka tahay xiisadda sii kordheysa ee Xuutiyiinta iyo Sacuudiga oo gaartay meeshii ugu sarreysay.

Xiisadda labada dhinac ayaa habeenkii Jimcaha cirka isku shareertay, ka dib markii Sacuudigu uu garaacay Magaalada Hodeidah iyo Jasiiradda Kamaran ee Galbeedka Yemen, taas oo keentay in Xuutiyiinta ay iyaguna Sabtidii weeraraan xarumaha ay Shirkadda Shidaalka Sacuudiga ee Aramco ay ku leedahay Magaalooyinka Jizan iyo Yanbu ee dalkaasi Sacuudiga.