Booliska oo gacanta ku soo dhigay haweeney saygeeda ku gubtay Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa caawa shaaciyay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen haweeney ku eedeysan in saygeeda ay ku gubtay Magaalada Muqdisho.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay in Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid ay gacanta ku soo dhigeen haweeneydaasi.

"Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Booliska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen haweeney gubtay ninkeeda 16/2/2024, baadigoob dheer ka dib waxaa lagu soo dhigay gacanta." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska Booliska ayaa sheegay in haweeneydan oo 21 jir ah, laguna magacaabo Muno Awsame Xuseen la horgayn doono maxkamadda awoodda u leh kiiskeeda.

Haweeneydan oo wejigeeda la qariyay ayaa dadka lagu la wadaagay barraha bulshada.

Wararka ayaa sheegaya in falka ay saygeeda ku gubtay uu Jimcihii ka dhacay hoygii ay ka deganaayeen xaafadda Tookiyo ee Degmada Yaaqshiid. 

Saygeeda oo dhaawac uu ka soo gaaray gubniinkaasi ayaa xaaladdiisa lagu la tacaalaya goobaha caafimaadka ee magaalada.

Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhex dhacaya qoysaska dhexdooda oo ku soo badanaya Magaalada Muqdisho ayaa noqday waxa maalmahaanba ay ugu hadalhaynta badan yihiin dadka Soomaaliyeed.