Booliska oo gacanta ku soo dhigay nin bajaajle ku dilay Magaalada Muqdisho

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilka darawal mooto bajaaj, oo gelinkii dambe ee Arbacadii shalay lagu dilay Degmada Shangaani, gaar ahaan meel ku dhow Isgoyska Jubba.

Saraakiisha Booliska ayaa caawa Cabdirisaaq Nuur Qanjeey ku soo bandhigay Isgoyska Jubba, ka dib markii Booliska Gobolka Banaadir oo kaashanaya kuwa Hirshabelle ay ninkaasi ka soo qabteen Gobolka Shabellaha Dhexe.

War xalay ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir oo lagu sheegay in ninkaasi uu ahaa askari dowladeed ayay dib Saraakiishu ka sheegeen inaanu askarta ka tirsanayn, balse uu ahaa qof shacab ah oo hubeysan.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 24 saac gudahood iskaashi ay sameeyeen Booliska Gobolka Banaadir iyo kan Hirshabelle lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo ninkan, oo loo haysto dilka marxuum Daahir Ibraahim Abshir.

Afhayeenka ayaa sheegay in eedeysanaha iyo marxuumka ay ahaayeen laba nin oo saaxiibo ah, isagoona meesha ka saaray in eedeysanuhu ahaa askari ka tirsan Ciidamada Dowladda.

"Nin ciidan u yaal oo askari u yaal ah ayuu ahaa eedeysanaha hadda garabkayga taagan, oo dilay dhibanahaas ee marxuumka ah." Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in eedeysane kasta oo fal dembiyeed gala aanu ku baxsan doonin dalka gudahiis, isla-markaana ay wada shaqayn ka dhaxeyso Ciidamada Booliska dalka oo dhan.

Doodisho ayaa sheegay in eedeysanaha la horgayn doono sharciga, caddaalanadana la waafajin doono.