Booliska oo Muqdisho ku qabtay nin gowracay wiil uu adeer u ahaa

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa xalay soo bandhigay nin lagu eedeeyay in uu Magaalada Muqdisho ku gowracay wiil uu adeer u ahaa.
Eedeysanaha ayaa la sheegay in wiilka oo 8 jir ahaa uu ku gowracay Degmada Xamar Jajab, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Booliska ee Saldhigga Xamar Jajab.
Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhacdadan ay abaare 5:40 galabnimo ee Axaddii ka dhacday isla degmadaasi.
"Eedeysanaha falka gaystay ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka Booliska, waxaana socda baaritaan." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay booliska.
Warka ayaa lagu sheegay in eedeysanaha la horgayn doono maxkamadda awoodda u leh, si caddaaladda uu u wajaho.
Daba-yaaqadii bishii June ee sanadkii hore ayay ahayd, markii ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen nin la sheegay inuu Degmada Yaaqshiid ku gowracay gabar uu adeer u ahaa, taas oo da'deedu ay boolisku ku sheegeen 6 jir.
Xubnaha qoyska ayaa xilligaasi sheegay in Cabdullaahi Yuusuf Sheekh Axmed uu Anisa ku gowracay hoygooda oo ku yaala deegaanka Daarusalaam ee degmadaasi.
Dhacdooyinka argagaxa leh ayaa in muddo ahba ku soo badanayay magaalooyinka waaweyn ee dalka.


