Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis is afgarad militari

Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis is afgarad militari, oo Dowladda Soomaaliyeed lagaga caawinayo dhismaha ciidamada, tayayntooda iyo hirgelinta shan saldhig oo ciidan.

Dowladda Mareykanka ayaa xeryo lagu tababaro ciidamada ka sameynaysa Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Jowhar iyo Dhuusamareeb, waana heshiis si gaar ah loogu taageerayo Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka. 

Saldhigyadan oo qayb ka noqon doona hawlgalada lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab ayaa la sheegay in ay gacan ka gaysan doonaan wiiqitaanka Al Shabaab.

Mashruucan militari ayaa ku kacaya adduun lacageed oo dhan boqol milyan oo dollar ($100M).

Labada dowladood ayaa heshiiska ku kala saxiixday munaasabad ka dhacday Xerada Xalane, oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Somaliya ayaa waxaa heshiiska u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), halka Mareykanka uu u saxiixay Sii Hayaha Safiirka Mareykanka ee dalka, Shane Dixon. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyay heshiiska ayaa sheegay in uu horseedayo in Mareykanka uu ballaariyo taageerada iyo tababarada Kumaandooska Danab.

"Heshiiskan waxa uu ka gacansiinaya Dowladda Somaliya qorsheyaasha dib-u-habaynta iyo tayaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al Shabaab iyo xaqiijinta amniga." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Mareykanka ayaa Villa Somalia muddo sanado ah ka taageerayay tababarka Kumaandooska Danab, qalabayntooda iyo weerarada xagga cirka ee ka dhanka ah Shabaabka hubeysan.

Xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood ayaa muddooyinkii ugu dambeysay u muuqday mid sii xoogeysanaya.