Ingiriiska oo aqoonsanaya Dowladda Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain, David Cameron ayaa ku dhawaaqay in London ay ka fiirsaneyso inay aqoonsato dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta.

"Falastiiniyiinta waa inay lahaadaan aragti siyaasadeed, si ay u arkaan inuu jiro horumar aan laga laaban karin, oo lagu gaari karo xal laba dal ah." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tani ay qayb ka noqon doonto dadaalada wadajirka ah ee lagu doonayo in lagu gaaro heshiis nabadeed, oo aan laga laaban karin.

"Tallaabadan waxay gacan ka gaysan doontaa in la helo xal laba dowladood ah, oo ay leeyihiin Israel iyo Falastiiniyiinta, si loo helo in nabad lagu wada noolaado." Ayuu yiri David Cameron, Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain.

Xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool ayaa waxaa hortaagan Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, kaas oo dhawaan sheegay in weligiis uusan aqbalin dhismaha dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta, muddada uu xafiiska joogana aysan taasi noqon doonin mid meel mar ah.

David Cameron ayaa Netanyahu ku riixay in uu aqbalo dadaalada caalamiga ah ee xalka labada dowladood, si loo soo afjaro colaadda muddada dheer ka taagan Bariga Dhexe.

Waxa uu sheegay in Israel ay 30-kii sano ee ugu dambeysay ku guuldareysatay inay sugto ammaanka muwaadiniinteeda, haddana ay tahay in la taageero xalka laba dowladood oo iska garab dhisan.

"Waa inaan bilownaa inaan dejino, sida ay u ekaan doonto Dowladda Falastiin, waxa ay ka koobnaan doonto iyo sida ay u shaqayn doonto." Ayuu yiri Cameron.

Wasiir Cameron ayaa yiri "Si ay taasi u dhacdo, annaga iyo xulafadayada waxaanu eegi doonnaa arrinta aqoonsiga Dowladda Falastiin oo xubin ka ah Qaramada Midoobey. Tani waxay noqon kartaa mid ka mid ah waxyaabaha caawinaya in geeddi-socodkan aan laga noqon karin."

Cameron ayaa sheegaya in Britain ay Falastiin siin karto aqoonsi rasmi ah oo diblomaasiyadeed, xitaa inta ay socdaan wada hadalada nabadda.

"Boqortooyada Midowday (UK) waxay siin kartaa Falastiin aqoonsi rasmi ah oo diblomaasiyadeed, oo aan qayb ka ahayn heshiiska nabadeed ee kama dambeysta ah, xitaa inta lagu guda jiro wada xaajoodka laftiisa." Ayuu sii raaciyay Cameron.

Cameron ayaa toddobaadkan booqashadiisii afaraad ku tagaya Bariga Dhexe, tan iyo markii loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda, bishii November, isagoo dhinacyada ku cadaadinaya in xiisadda la qaboojiyo.

Dhanka kale Mr. Cameron ayaa Tel Aviv ugu baaqay in ay ogolaato in kaalmo bani'aadantinimo oo dheeri ah la geeyo Marinka Gaza, waxa uuna sheegay in ay tahay wax lagu qoslo in gargaarka muhiimka ah ee Britain iyo kuwa kale dib loogu celiyo xadka Gaza iyo Masar.

Husam Zomlot oo ka tirsan diblomaasiyiinta Falastiiniyiinta ayaa hadalka David Cameron ku tilmaamay mid taariikhiya.

Mareykanka iyo reer galbeedka ayaa u ololeynaya dhismaha dowlad ka barbar dhalata Israel, si looga hortaggo kororka saamaynta colaadda Gaza, oo muddooyinkii ugu dambeysay u muuqatay mid ku fideysa gobolka.