Lix qof oo Kenyan ahaa oo lagu dilay Gobolka Jubbada Hoose

Dadkan oo ganacsato ahaa ayaa la sheegay in maanta lagu dilay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, ka dib markii ay dhawaan ka soo tallaabeen deegaanka xuduudda ku yaala ee Libooya.

Wararka ayaa sheegaya in rag wejiyada soo duubtay oo la socday gaari ay rasaas ku furayn ganacsatadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ganacsatadu ay maacuun ku iibinayeen Degmada Dhoobley, ka hor inta aan la dilin.

Gudoomiye Kuxigeenka deegaanka Libooya Kenya ayaa sheegay in ganacsatadaasi ay muddo dheer ku ganacsanayeen Libooya, isla-markaana ay ka soo jeedaan sida uu yiri Gobolka Meru ee dalkaasi.

Ali Manduku ayaa sheegay inaanay garanayn sida ay ganacsatadu ku tagtay Dhoobley, haddii Kenya ay horaan xirtay xadka ay la wadaagto Somaliya.

Gudoomiyaha Ismaamulka Garissa, Mohamed Ramadan ayaa sheegay in dableyda dilka gaysatay ay ka baxsatay goobtii uu falku ka dhacay, isagoo intaasi ku daray in meydadka dadkaasi loo soo qaadi doono dhanka Garissa.

Taliyaha Booliska ee Ismaamulka Garissa, John Samburumo ayaa isna sheegay in ragga dilka gaysatay ay la xiriirinayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka ganacsatadaasi, marka laga soo taggo in Shabaabka lagu tuhunsan yahay dilka dadkaasi.

Dilka dadkan ayaa imaanaya, iyadoo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Militariga ATMIS ay maalmihii ugu dambeysay Dhoobley iyo deegaanada ku xeeran ka sameynayeen hawlgalo amniga lagu xaqiijinayo.