Madaxweynaha oo saxiixay nuqulka rasmiga ah cutubyada dastuurka ee Baarlamaanka uu ansixiyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay nuqulka rasmiga ah ee wax ka bedelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda, oo Sabtidii ay cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhameystirka dastuurku uu aasaas u yahay horumarinta dimoqraadiyadda, sinnaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkeynta iyo dhisidda hay'ado dowladeed oo hufan.

Munaasabadda saxiixa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya iyo Guddiga Dib-u-eegista & La socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka.

4-ta cutub ee wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa ka mid ah 15-ka cutub ee uu ka kooban yahay Dastuurka Qabyo Qoraalka, iyadoona Xildhibaanadu ay tahay in kalfadhiyadooda soo socda ay wax ka bedelka ugu sameeyaan cutubyada kale ee harsan.

Xildhibaanada Labada Aqal oo ay maanta u bilaabatay fasaxooda hore ee sanadka oo laba bilood ah ayaa shaqada dib ugu soo laaban doona bartamaha sanadkan.