Madaxweyne Deni oo qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe ku qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid.

Lama sheegin waxyaabo gaar ah oo labada dhinac ay ka wada hadleen, marka laga soo taggo in Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug uu Garoowe u tegay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka ee Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni oo 8-dii bishan dib loo soo doortay ayaa lagu wadaa in Khamiista lagu caleemo-saaro magaaladaasi.

Garoowe ayaa waxaa gaaraya wufuud kala duwan oo dal iyo dibadba isaga kala imaaneysa.

Isniintii, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Garoowe.

Garoowe waxaa maalmihii la soo dhaafay gaaray masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dalka, oo laga xusi karo Raysal Wasaarihii hore ee dalka, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).