Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay Magaalada Rome

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Rome ee xarunta dalkaasi Talyaaniga.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Caasimadda Rome kaga qaybgelaya Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

"Shirkan waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka jeedin doonnaa khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu socodka iyo arrimaha amniga, sidoo kale waxa uu ku soo bandhigi doonnaa muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadii’da madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xadgudubka ka dhanka madaxbannaanida Somaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiiratay." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadli doona dadaalka ay dowladdiisu ku bixineyso la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo dib-u-dhiska ciidamada, sida warka lagu sheegay.

Warka ayaa ugu dambayn lagu yiri "Madaxweynaha ayaa shirku inta uu socdo waxa uu kulamo laba geesood ah la qaadan doonnaa madax iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin;

Mudane Azali Assoumani, Madaxweynaha dalka Comoros ahna Gudoomiyaha Midowga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Mudane William Ruto.

Madaxweynaha dalka Eritrea, Mudane Isaias Afwerki.

Agaasimaha Maamulka ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), Marwo Kristalina Georgieva."