Qarax galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxan oo ahaa mid si weyn looga maqlay qaybo ka mida xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay Degmada Warta Nabadda.

Wararka ayaa sheegaya in nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa uu isku qarxiyay Isgoyska Cali Kamiin ee degmadaasi.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa kaabiga ku haysa Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, oo galabta ay ciyaar adag ku dhex mareysay ciyaartoyda Gobolka Banaadir iyo Galmudug.

Inkastoo Saraakiisha laamaha amniga aysan weli ka hadlin xogta qaraxa, haddana hay'adaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay joojiyeen ismiidaamiyaha, ka dibna uu qarxay.

Ma cadda khasaaraha uu gaystay qaraxa, marka laga soo taggo in uu ku dhintay ninkii weerarka gaystay.

Laamaha amniga ayaa feejignaan geliyay ciidamada sugaya nabadgelyada waddooyinka soo gala Garoonka Stadium Muqdisho.

Xulka Galmudug ayaa rigooreyaal 5-4 ah kaga adkaaday xulka Gobolka Banaadir, iyadoona ciyaartoyda Galmudug ay markii labaad iska xaadiriyeen fiinaalaha tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Galmudug ayaa ciyaarta kama dambeysta ah la ciyaari doonta Hirshabelle.