Ruushka oo markii ugu horreysay dhoolatus ku sameynaya hubka wax gumaada ee nuclear-ka

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa amray dhoolatus hubka nuclear-ka ah in lagu sameeyo meel u dhow xadka ay la wadaagaan dalka Ukraine.

Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in tani looga jawaabayo khatarta reer galbeedka, oo ay ku eedeeyeen in ciidamo ay soo dhoobeen halkaasi.

Madaxweynaha Ruushka ayaa ka carooday hadaladii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray masuuliyiinta dalalka reer galbeedka qaarkood, oo ku saabsanaa inay xoojinayaan Ciidamada Ukraine, si ay joojiyaan horumarada ay Militariga Ruushka ka sameynayaan dagaalka ka socda dalkaasi.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa toddobaadkii hore sheegay in dalkiisu aanu ka reebaneyn in uu ciidamo u diro Ukraine. Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Cameron ayaa isna sheegay in Ciidamada Ukraine ay markii ugu horreysay ay awood u yeelan doonaan in hubka ridada dheer ee Ingiriisku uu siiyay ay ku weeraraan bartilmaameedyada gudaha Ruushka, taas oo ay Moscow u aragto khad cas oo laga soo gudbay, waana xilli Moscow ay muddooyinkanba reer galbeedka ku eedeynaysay in ay si qoto dheer ugu lug leeyihiin dagaalka Ukraine.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov ayaa Isniintii sheegay in hadalada xanafta leh ee ka soo yeeraya masuuliyiinta reer galbeedka ay soo dedejiyeen dhoolatuska nuclear ee Putin uu amray in laga sameeyo aagga xuduudda.

"Waa wareeg cusub oo kicin ah hadalada ka soo yeeraya saraakiisha reer galbeedka. Tani waa wax aan horey loo arag, waxayna u baahan tahay fiiro gaar ah iyo weliba tallaabooyin gaar ah." Ayuu yiri Afhayeenku.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ay qaban doonaan dhoolatus militari, oo loo adeegsanayo hubka nuclear-ka ee goobta dagaalka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dhoolatuska uu jawaab cad u yahay hadalada ay reer galbeedku ku hurinayaan colaadda iyo hanjabaadaha kaga imaanaya.

Ruushka ayaa ku hanjabay inuu garaaci doono Saldhigyada Militariga Ingiriiska, si uu kaga gaashaanto khatarta kaga soo fool leh, isagoo markaasi samayn doona dhoolatus uu ku muujinayo isticmaalka hubka nuclear-ka ee aagga dagaalka.

Dhoolatuska ayaa isugu jiri doona madaxyada gantaalada ridada gaaban, madaafiicda goobta, gantaalada ballaastikada ee qaaradaha isaga kala gudba iyo bambaanooyinka hawada, kuwaa oo Ruushka uu ugu talagalay in loo adeegsado goobta dagaalka, laguna burburiyo magaalooyinka.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka oo u yeertay Safiirada Ingiriiska iyo Faransiiska u jooga dalkaasi ayaa kala hadashay xiisadda ka sii dareysa.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in ay Safiirka Ingiriiska, Amb. Nigel Casey ku boorisay in uu ka fekero cawaaqibka daran ee ka dhalan kara tallaabooyinka cadowtinimada leh ee ka imaanaya London.

Wasaaradda ayaa sheegtay in gantaalaha uu Ingiriisku siiyay Ukraine, si loogu adeegsado in lagu weeraro gudaha Ruushka ay keeni doonto weeraro aargoosi ah, oo ka dhan ah Xarumaha Militariga Ingiriiska ay ku leeyihiin dalka Ukraine amaba meelo kale.

Waa markii ugu horreysay oo Ruushku uu si rasmi ah ugu dhawaaqo inuu dhoolatuska militari u isticmaali doono hubka wax gumaada, waana digniin si toos ah loogu sheegayo reer galbeedka, haddii aanay joojin taageeradooda Ukraine in dagaalku uu ka gudbi doono xeendaabka Ukraine.

Moscow ayaa horey ugu hanjabtay in ay adeegsan doonto hubka nuclear-ka, haddii aysan reer galbeedku joojin gardarrada ku aaddan hubka ay siiyaan Ukraine, si ay dib isaga caabiso Ciidamada Ruushka.

Xulafada reer galbeedka ee Ukraine ayaa qaarkood horey walaac uga muujiyay in dagaalka Ukraine uu isku dhac ka dhex abuuro Gaashaanbuurta NATO iyo Ruushka.

Ka dib markii Ruushku uu weeraray Ukraine, waxaa cirka isku shareeray xiisadda kala dhaxeysa reer galbeedka.

Ruushka waa dalka madaxyada ugu badan ee hubka nuclear-ka haysta.