Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu dhaariyay Magaalada Baydhabo
Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa galabta lagu dhaariyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Munaasabadda dhaarinta ayaa ka dhacday Xarunta Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ku dhex taala Madaxtooyada Baydhabo, iyadoona Xildhibaanada loo dhaarinayay min dhowr iyo toban xubnood.
Xildhibaanada ayaa soo kacayay marka magacyadooda laga sheego goobta, waxaana lagu dhaariyay miis uu saaran yahay Kitaabka Quraanka Kariimka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, musharaxiinta u taagan jegada Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed iyo marti sharaf kale.
Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ka kooban 95 xubnood, kuwaas oo 16 ka mid ah ay haween yihiin.
Xildhibaanada ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda Baydhabo ku doortaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Kuxigeenadiisa.
Sida uu qorshuhu yahay, Xildhibaanada ayaa 10-ka bisha June dooran doona Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.


















