Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan xasaasi ah ka leh ansixinta wax ka bedelka dastuurka

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kulan xasaasi ah ka yeelanaya arrinta ku aaddan ansixinta wax ka bedelka ee Dastuurka Qabyo Qoraalka, oo dooddiisu ay tan iyo bishii February soo socotay.

Xildhibaanada Labada Aqal ayaa Khamiistii loo qaybiyay wax ka bedel kama dambeys ah, oo lagu sameeyay 4 cutub oo ka mid ah Dastuurka KMG.

Waxyaabaha wax ka bedelka lagu sameeyay waxaa ka mid ah soo jeedintii Golaha Madasha Wadatashiga Qaran, oo 27-kii bishii May ee sanadkii 2023 ku baaqay in dalka uu yeesho Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, si meesha looga saaro jegada Raysal Wasaaraha, balse dareen iyo walaac xoog leh oo arrintaasi laga muujiyay ayaa keentay in booskii Raysal Wasaaraha uu sii jiro.

Sidoo kale waxaa la bedelay soo jeedintii Golaha Madasha Wadatashiga Qaran ee la xiriirtay in dalka uu yeesho laba xisbi, oo ku tartama doorashada soo socoto, waxaana loo bedelay oo laga dhigay saddex xisbi.

Muddo xileedka Dowladda Federaalka oo afar sano ahayd ayaa laga dhigay shan sano, taasi macnaheedu ma ahan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xafiiska joogi doono shan sano, balse uu dhameysan doono oo keliya afartii sano ee la doortay, is bedelkana ay la kowsan doonto dowladda xigta, taas oo xil haynteedu noqon doonto shan sano.

"Dhaqangalka wuxuu ka bilaaban doonnaa dowladdan tan xigto." Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Doorashada soo socoto ayaa noqon doonto mid ay shacabku soo doortaan Madaxweynaha, waana markii ugu horreysay oo dadweynuhu ay si toos ah u soo dooran doonaan Madaxweynaha, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya. Madaxweynaha ayaa waxaa dhowrkii iyo labaatankii sano ee ugu dambeysay soo dooranayay Xildhibaanada Baarlamaanka, tanina waxay qayb ka noqon doontaan is belelada waaweyn ee saamayn doona hannaanka siyaasadda dalka.

Madaxweynaha iman doona ayay tahay in xisbigiisa uu ka soo magacaabo Raysal Wasaaraha, sida uu sheegay Gudoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista & La socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka, Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidow).

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku dhawaad muddo laba bilood ah ka doodayay wax ka bedelka Dastuurka KMG, oo bilowgii dood adag ka dhex dhalisay Xildhibaanada, inkastoo markii dambe aad mooddo in la dhageystay talooyinkii ay qaarkood soo jeediyeen.

Wax ka bedelkan ayaa la sameeyay, ka dib markii la tixgeliyay soo jeedintii Xildhibaanada Baarlamaanka, siyaasiyiinta qaarkood iyo bulshada rayidka, oo ku taliyay in Xafiiska Raysal Wasaaraha uu sii jiro, tirada xisbiyadana la gaarsiiyo illaa iyo saddex.

Xildhibaanada Labada Aqal ayaa 24-kii bishii January ansixiyay habraaca wax ka bedelka ee Dastuurka, taas oo dhabaha u xaartay in Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista & Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Dib-u-eegista & La socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka ay wax ka bedel ku sameeyaan cutubyo loo arkayay in ay yihiin kuwo xasaasi ah.

Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo Puntland ay kaabeyso ayaa mucaaradad xoog leh kala horyimid wax ka bedelka Dastuurka KMG.

Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa Jimcihii sheegay in natiijo la sii ogyahay ay ka soo bixi doonto fadhiga Xildhibaanada Labada Aqal ee ay maanta ku yeelanayaan Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho. Warkan ayay ku sheegeen warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen.

Haddii Xildhibaanada ay ansixiyaan wax ka bedelka lagu sameeyay dastuurkan, Madaxweynuhuna uu saxiixo ayaa wuxuu noqon doonnaa mid sharci ah oo dalkana lagu maamulo.