Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo galay fasax muddo laba bilood ah

Xildhibaanada Labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa galay fasax muddo laba bilood ah, ka dib markii shalay ay ansixiyeen qabyo-tirka lagu sameeyay 4 ka mid ah 15-ka cutub ee uu ka kooban yahay Dastuurka KMG.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe oo soo xiray Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka 11aad ayaa sheegay in kalfadhiggaasi uu u soo xirmay, annagoo buu yiri ajandihii ugu muhiimsanaa aan soo geba-gabaynay.

Gudoomiyaha oo ku hadlayay afka Labada Aqal ayaa Xildhibaanada u sheegay in laga bilaabo maanta ay yihiin fasax, isla-markaana ay soo nastaan labada bilood ee soo socota.

"Waxaan idiin sheegaynaa, ka guddoon ahaan Kalfadhiggii 4aad waa noo dhammaaday. Waa fasax saacaddan laga bilaabo, laba bilood soo nasta, soo cibaadeysta. Ilaahay towfiiqda hana waafajiyo." Ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe.

Xildhibaanada oo 4-tii bilood ee ugu dambeysay shaqeynayay ayaa fasaxoodii ugu dambeeyay ka soo laabtay 25-kii bishii November, markaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu furay Kalfadhigga 4aad.

Xildhibaanada ayaa fasaxoodan galay, iyadoo la guda galay 10-ka dambe ee bisha barakaysan ee Ramadan.