Xildhibaanada Labada Aqal oo ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka KMG

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta ansixiyay wax ka bedelka cusub ee lagu sameeyay Dastuurka Qabyo Qoraalka, ka dib kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka bedelka lagu sameeyay 4 ka mid ah 15-ka cutub ee uu ka kooban yahay Dastuurka KMG.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa waxaa fadhiga soo xaadiray 254 Mudane, kuwaa oo 42 ka mida ay ahaayeen Senatorada Aqalka Sare.

Xoghayaha Guddiga Dib-u-eegista & La socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka, Senator Siciid Cabdi Xuseen (Cawke) ayaa marka hore sheegay in saddex qodob oo ka tirsan cutubka 2aad laga reebay rasteynta iyo ansixinta 4-ta cutub ee Dastuurka Jamhuuriyadda.

Xildhibaanada Labada Aqal ayaa intaasi ka dib codka siiyay qodobadii kale ee 4-ta cutub ee wax ka bedelka lagu sameeyay, waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiye Aadan Madoobe, mana jirin cid diiday amaba ka aamustay.

Xildhibaanada oo ku dhawaad muddo laba bilood ah ka doodayay wax ka bedelka Dastuurka KMG ayaa bilowgii hore si weyn ugu kala qaybsamay, inkastoo markii dambe ay isaga soo dhawaadeen, ka dib markii la dhageystay talooyinkii ay qaarkood soo jeediyeen, lana qaatay, waana tan keentay in si buuxdo ay codkooda u siiyaan wax ka bedelkan lagu sameeyay.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay ansixinta qabyo-tirka cutubyada 4-ta ah ee dastuurka.

"Maanta waa maalin taariikhi oo baal dahab ka geli doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada soo socday. Dhameystirka dastuurka waxa uu aasaas u yahay horumarinta dimoqraadiyadda, qaranimada iyo hay'adaha dowladnimada. Waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanada Labada Aqal in ay sii amba-qaadaan turxaan-bixinta, toosinta iyo dhameystirka cutubyada dhiman ee dastuurka." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Kulanka wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ahaa mid si weyn isha loogu wada hayay.