Aadan Madoobe oo bilaabay qorshe xafiisyada maamulka loogu soo rarayo Baraawe

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa dadaal ugu jira in si tartiib tartiib ah xafiisyada maamulka loogu soo raro Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ama in halkaasi ay diyaar ku ahaadaan dhammaan Xarumaha Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Wasaaradaha, ka hor inta aan lagu dhawaaqin in maamulku uu si rasmi ah ugu shaqayn doono magaalo xeebeedka Baraawe.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa Khamiistii booqasho ku tegay xarunta rasmiga ah maamulkaasi ee Baraawe, taas oo aan lagu shaqeyn muddo dheer, maadaama xarunta kmg maamulka ay weli tahay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe, Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa xaqiijiyay in magaalada ay ka socdaan qorsheyaal la xiriira xaaladda maamulka.

"Golaha Wasiirada waxaa la amray in halkan ay shaqooyin ka qabtaan, maalinta Sabtidana ay maalin shaqo noqon doonto, haddii uu Ilaahay yiraahdo. Shaqooyinkaas waxaa ka mid ah in xarumo la dhagax dhigi doono oo magaaladan howlo iyo dhismayaal ay ka bilaaban doonaan, lagana onki doono dowladnimada rasmiga ah iyo in ay caasimad u noqon doonto ayuu Madaxweynuhu ballanqaaday." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo Warbaahinta ka soo muuqday.

Aadan Madoobe oo maalintii 2aad booqasho ku jooga Baraawe ayaa Jimcahan ka qaybgalay kulan isugu jira qado-sharaf iyo kala warqaadasho ay Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose iyo kan degmada ay u sameeyeen wafdigiisa.

"Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in maamulka, hay’adaha dowladda iyo bulshada ay si dhow ula shaqeeyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo sugo amniga, loo xoojiyo xasilloonida, loona abuuro jewi ku habboon hirgelinta adeegyada dowladda iyo horumarinta Magaalada Baraawe." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka mid ah Goleyaasha Koonfur Galbeed, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, maamulada gobolka & degmada, odayaasha dhaqanka iyo xubno kale oo lagu soo martiqaaday.

Aadan Madoobe oo 10-kii bishii June loo doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa maamulkiisu uu loolan siyaasadeed iyo mid amni uu kala kulmayaa hoggaankii hore ee maamulka.

Ciidamada taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa bishii October la wareegay Degmooyinka Qansaxdheere, Diinsoor, Berdaale, Buurhakaba iyo deegaanada kale ee hoostaga Baydhabo, taas oo magaalada ugu weyn ee Koonfur Galbeed ka dhigtay mid go'doon ah.

Duruufaha amni ee ku xeeran maamulka uu Aadan Madoobe hoggaamiyo ayaa ku riixi kara in uu xarunta maamulka u raro goob ka baxsan Baydhabo.