Shirarkii siyaasadeed ee Beledweyne oo go'aamo laga soo saaray

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo geba-gabeeyay shirarkii siyaasadeed ee maalmahaanba looga hadlayay mustaqbalka siyasadeed ee gobolkaasi, iyadoona Khamiistan laga soo saaray bayaan bud-dhig u noqon kara jihada siyaasadeed ee gobolku uu aadayo.

Shirarkan oo ka socday hoyga Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa waxay ka qaybgelayaasha, oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ay waxba kama jiraan ka soo qaadeen doorashadii dhawaan ka dhacday Hirshabelle, iyadoo xubnihii Beesha Xawaadle ee shirarkaasi ka qaybgalay ay sheegeen inay doorashadaas u aqoonsan yihiin mid aan sharci ahaan jirin.

"Beeshu waxay si cad oo aan mugdi ku jirin u qaadatay mowqif siyaasadeed oo kama dambeys ah, kaas oo ay kaga fogaaneyso, kagana soo horjeeddo doorasho ku sheega lagu qabtay Magaalada Jowhar, taas oo kulamada u arkeen mid aan lahayn sal sharciyadeed iyo hannaan loo dhanyahay, isla-markaana aan ka tarjumayn rabitaanka iyo bulshada ay khuseyso." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay "Beeshu waxay adkeynaysaa arrimaha masiiriga ah ee gobolka in lagu go'aamiyo wadatashi dhab ah, sharciyad, metelaad iyo rabitaan bulsho."

Dhinacyada ayaa bogaadiyay "Kulamadu waxay bogaadin iyo mahadnaq gaar ah u jeedinayaan dhallinyaradii ka tirsaneyd Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ka jawaabay baaqii Ugaaska, isla-markaana qaatay go'aan ay ku muujiyeen dareenkooda ku aaddan xaaladda taagan. Waxaa sidoo kale ammaan iyo bogaadin uu Ugaaska u jeediyay Ciidamada Ilaalada Shacabka (Macawiisley) oo har iyo habeen u taagan ilaalinta nabadgelyada dadweynaha."

Bayaanka ayaa loogu mahadceliyay masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee ka tanaasulay xilalkii ay ka hayeen Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyadoona si gaar ah loogu mahadceliyay Muuse Salaad Wehliye, kaas oo Axaddii iska casilay xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

"Beeshu waxay u mahadcelineysaa masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee ka tanaasulay xilalkii ay hayeen, si ay ula dareen noqdaan dadkooda, si gaar ah waxaa loogu mahadcelinayaa Gudoomiye Muuse Salaad. Waxaa kaloo loo mahadcelinayaa Gudoomiye Maxamed Carab, Gudoomiye Cambo-gooye, Xuseen Weli iyo masuuliyiinta kale ee heer degmo." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa loogu baaqay dadka reer Hiiraan ee ku nool dal iyo dibadba inay taageero dhaqaale ku bixiyaan dadaalada socda ee lagu difaacayo baa bayaanka lagu sheegay xuquuqda iyo masiirka gobolka, si loo xaqiijiyo hufnaan, isla xisaabtan iyo kalsooni.

"Kulamada waxay baaq rasmi ah u dirayaan dhammaan beelaha, qaybaha bulshada, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo hoggaanka dhaqan ee Gobolka Hiiraan, si ay uga soo qaybgalaan gogol wadatashi oo ballaaran oo uu ku baaqay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan. Gogosha waxaa looga tashan doonnaa aayaha gobolka, xaaladda siyaasadeed ee taagan iyo jihada mustaqbalka, iyadoo la raadinayo aragti mideysan iyo go'aamo ku dhisan wadatashi, is ixtiraam iyo danta guud." Ayaa lagu yiri bayaanka oo intaasi ku daray "Waxaa la adkeynayaa in masiirka Gobolka Hiiraan aanu noqon karin go'aan ay koox ama dhinac keliya uu gaar u leeyahay, balse waxa uu yahay arrin u baahan ka qaybgalka iyo isku raaca dhammaan bulshada gobolka."

Bayaanka ayaa lagu soo geba-gabeeyay "Kulamadu waxay mar kale adkeynayaan muhiimadda ay leedahay midnimada bulshada, ilaalinta sharafka iyo xuquuqda gobolka, dhawrista nabadda iyo in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo wada hadal iyo hannaan sharci ah. Midnimada bulshada, xuquuqda iyo masiirka gobolka ayaa mudnaanta koowaad u leh howsha la wado."